Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Puntland oo maanta kormeeray Dugsiyada Waxbarashada ee Garowe.

 

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta kormeeray Dugsiyada Waxbarashada Puntland ee magaalada Garowe xilli ay ka socotay duruustii waxbarasho ee ay ardaydu qaadanayee.

Wafdiga Wasiirka ayaa ku horaray dugsiga sare ee Gambool halkaas oo ay kula hadleen arday boqolaal ah oo isugu jirta fasalada dugsiga sare oo ay aad ugu dhiirigaliyeen waxbarashada.

Wasiirka Waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo ka mid ahaa masuuliyiintii ardaydan la hadashay ayaa aad uga hadlay dadaalka wasaarada wabarashada Puntland ay ugu jirto tayaynta iyo hagaajinta anhajka wabatrashado ee Puntland iyo la socoshada wabarashada gobollada oo dhan.

Wasiirku wuxuu sheegay wafdigiisan kormeerka saaynaya maanta in ay hordha u yihiin wafuud balaaran oo koreeri doonta dhammaan dugsiyada waxbarashada ee Puntland gaar ahaan kuwa magaalada Garowe.

Wafdigani waxay sidoo kale booqdeen dugsiyada kale ee wabarashada ee magaalada Garowe waxayna aad ugu kuurgaleen wabarashada dugsiyada iyo qaabka ay duruustu u biinayaan barayaashu.

Wafdiga Wasiirka Waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Juxa waxay sidoo kale warbixinno ka dhagaysteen maamulayaasha iyo macalimiinta dugsiyada wabarashada oo ay aad u sharaxeen qaabka ay tahay waxbarashada dugsiyada iyo guud ahaan dadaalka ay ardaydu muujiyaan inta ay waxbarashadan ku jiraan.

Maahan markii ugu horaysay ee masuuliyiinta Wasaarada Waxbarshada Puntland ay koreeraan dugsiyada waxbarashada waxayse arrintani qayb ka tahay dadaalada firfiroon ee lagu tayaynayo waxbarashada Dugsiyada Puntland.

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top