Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Oo Safara Dibada Ay Ugu Baxeen Ka Warbixiyay

Madaxda ugu saraysa wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland oo maanta shir jaraa’d  warbaahinta ugu qabtay isla xarunta wasaaradda ayaa waxay kaga war bixiyeen safaro shaqo oo ay ku tageen wadamo ka tirsan qaaradda Yurub iyo waliba dalka Kenya.

Cabdi Faarax Siciid (Juxa) Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Puntland ayaa war bixin warbaahinta ka siiyay safarkii ay ku tageen qaar ka mid ah magalooyinka wadanka Sweden iyo waliba dalka Jeec halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula soo qaateen jaaliyadda reer Puntland iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta dalalkaasi.

Wasiirku, waxa uu sheegey in ay la kulmeen hay’adaha SIDA iyo Diakonia oo ka shaqeysa Puntland ayna kala hadleen horumarka dhanka Waxbarashada Puntland, waxaa kaloo uu sheegey in isaga iyo nin ay saaxiibo yihiin oo lagu magacaabo Baasha ay booqdeen Jaamacadii ay ka soo baxeen Baraga ee dalka Jeg ayna geeyeen buugaag ay qoreen, waxaana uu sheegey in xiriir joogto ah ay yeelan doonaan.

Dhinaca kalena Sahro Axmed Koshin Lataliyaha Wasaaradda Waxbarashada ee dhanka Haweenka iyo Genderka ayaa waxay sheegtey in Jaaliyadda Puntland ay ka ballan qaadeen in gabdhaha reer Puntland ka caawin doonaan dhanka Waxbarashada Primary-ga ah, waxayna sheegeen in a dhisayaan Iskuul ay wax ku bartaan hablaha u baahana Waxbarashada gaarka ah.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Puntland ayaa isna dhankiisa ka Waramay  safar shaqo oo uu ku tagey dalka Kenya, waxaana uu sheegey in uu halkaasi kula kumey haya’daha taageera Waxbarashada waxaana uu sheegey in ay  ballan qaadeen in ay sii laba jibbaaraan taageeradii  ay siinjireen Waxbarashada Puntland, waxaana uu sheegey in la dhisi doono Iskuulaad heer sare ah qaasatan Gabdhaha ay wax ku bartaan, Iskuulkaas oo farxad galinaya Gabdhaha oo ay ka heli doonaan dhamaman adeegyadii ay u baahan yihiin si ay ugu dhiiradaan Waxbarashada.

Waxa uu hoosta ka xariiqey in hadda kadib aysan jirin doonin hay’ad waxay doonto qabata ee la raaci doono Siyaasadda iyo Qorshaha Wasaaraddu dajisey.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top