Marwo Sahra Ahmed Koshin Oo La Kulantay Qaar Ka Tirsan Barlamaanka Sweden

Sahro Ahmed Koshin oo ah la taliyaha wasaaradda waxbarashada dhinaca horumarinta haweenka waxay cashar ku saabsan horumarinta waxbarashada gabdhaha soomaaliyeed ujeedisay xubno ka tirsan golaha barlamaanka, gobolka iyo degmada ee ka tirsan xisbiga Green party ee wadanka Iswidhan iyo madax iyo ka tirsan dugsiga horumarinta haweenka ee magaaladda Gothenburg.

Sahro waxay tilmaamtey in wasaradda waxbarashada Puntland ee dhinaca horumarinta haweenka qabatay hawlo muhiim ah oo wax ku ool muddadii gaabneeyd ee ay jirtay.Waxa korodhay tirada gabdhaha soomaliyeed ee dhigta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee Puntland. Wasaaraddu waxay deeq waxbarasho ugu deeqday gabdho badan oo soomaaliyeed ee ku nool Puntland oo ay waalidiintood cayr yihiin.

Puntland waxay noqotey tusaale ay wadamo badan ee ka tirsan Afrika ay u soo raadsadaan aqoon ku saabsan horumarinta tacliinka gabdhaha oo ay Puntland ku guuleeysatey sannadadan dambe.

Waxay sahro casharkeedii ku soo gunaanadey in safar ay ku mareyso wadamada  yurub uga danleedahay in ay hesho taageerada shacabka Puntland ee ku nool dibadda iyo hayadaha waxbarasho iyo siyasiyiinta dalalkaa si loo horumariyo tacliinta gabdhaha soomaaliyeed ee ku nool Puntland.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Valter Mutt oo ah xildhibaan ka tirsan barlamaan dalka Iswidhanayaa gado sharaf u sameyey la taliyaha wasaaradda waxbarashada Puntland sahro Ahmed Koshin.

Kulankaa waxa goobjoog ka ahaa Abdullahi Mohamed Ahmed iyo feysal hashi oo ka tirsan hogaanka jaaliyadda Puntland community organisation ee magaaladda Gothenburg.

Sahro Ahmed Koshin wuxu safarkeedii magaalada Gothenburg ee dalka Iswidhan ku dhamaadey guul iyo reynreyn!

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top