Marwo Sahra Ahmed Kooshin Oo Ka Warbixisay Safarkeedii Shaqo Ee Ay Ku Maraysay Dalal Badan Oo Ka Tirsan Qaarada Europe

Shir ku saabsan safar shaqo oo ay dhawaan lataliyaha wasaarada waxbarashada  qaybta genderka ms. sahra ahmed kooshin ay dhawaan ku kala fidisay qayba kamida qaarada europe,socdaalkeedana uu ahaa mid deeq loogu uruurinayay ardada reer puntland qaybna looga qaadan lahaa sanduuqa waxbarashada Puntland oo dhawaan ay wasaaradu yagleeshay.

Masuuliyiintii kasoo  qaybgshay kulanka waxaa ka midaa wasiirka waxbarashada Mr. Juxa,wwasiirada haweenka iyo arimaha qoyska Ms. Asha Gele,marti sharaf kale oo ka socota hay`adaha  iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada waxbarashada.

Ujeedadii ugu waynd ee safarkeeda ayaa ah mid logu uruurinayay deeq lacageed sanduuqa waxbarashada Puntland oo dhawaan ay wasaaradu samaysay sahrana ay ka tahay xubin firfircoon waxayna sheegtay in ay la kulantay jaaliyadaha dalkaasi jooga ayna aad usoo dhaweeyeen kuna farxeen waxqabadka wayn ay wasaaradu ku tilaabsatay mahadna usoo jeediyay dhamaan saraakiisha waxbarashada oo iyaga dadaal dheer muujiyay iyo hufnaan,gabagabadii barnaamijka waxay sahra soo bandhigtay liis ay ku qoranyihiin shakhsiyaad ku darsaday lacag lagu darayo sanduuqaa waxbarasho usoo dhibay sahra oo ay wakiisheen.

Wasiirka waxbarashada oo isna ka hadlay goobta ayaa xusay marxaladihii uu soo maray barnaamijkan sheegayna maanta inuu guul taaganyahay mar hadii aan ubandhignay umada waxa kaloo uu sheegay wasiirka in ay dawladuna aysan ka maqnayn barnaamijkan ay sanadkastana u qoondaysay lacag gaaraysa Kun Doolar.

Marwo casha geele diiriye oo ah gudomiyaha Sanduuqa Waxbarahsada Puntland,Puntland Education Fund (PEF) ayaa iyaduna sheegatay inay aad ugu faraxsantahay soona dhawaynayso waxqabadka muuqda ee lagu faani karo ay wasaaradu gaartay loona baahanyahay in intaa lagasii kaco marwo casho waxay kaloo sheegty hadii la isku tashado daacadna lagu wada shaqeeyo in intaa kabadan aan sii gaari karno,waxaan mar labaad iyo mar sadaxaadba umahadcelainayaa walaashay sahro oo wax wanaagsan qabatay.

Kulankan waxaa si toosha khadka telefanka uga qaybqaatay gudoomiyaha Puntland Community Organisation Mr.Abdulahi Mohamud Iyo Afhayeenka Jaaliyada Haweenka Ee Puntland Marwo Hawa Matoote waxayna si diiran usoo dhaweeyeen waxqabadka wasaarada waxayna sheegeen inay garab taaganyihiin markastaba .

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top