25/jan/2015,Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa ku guulaystay in la meel mariyo qaab dhismeedka manhajka guud ee waxbarashada Pumtland, kaasoo ergooyin lagasoo xulay gobolada ay ka doodayeen labadii maalmood ee ugu dambeysay.
Wasiirka waxbarashada Cali Xaaji Warsame oo qudbad dheer ka jeediyay munaasabad lagusoo xirayay anixinta manhajka, ayaa sheegay inaysan jrin cid muran ah ka keentay meel marinta manhajkaan oo uu ku sheegay haddda kadib inuu ahaandoona mid ka dhaxeeya dhammaan ummadda reer Puntland.
“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay sida xornimada leh, xalaalnimada leh, aqoonta leh, walaatinimada leh ee looga dooday manhajkaan, “ ayuu yiri wasiirka waxbarashada oo sheegay inay Puntland leedahay aqoonyahan ku filan, dad dareen leh oo fahmaya halka ay waxbarashadu maanta taagan tahay iyo kuwo diyaar u ah inay ka qeyb qaataan sidii jiilka soo karaya ay uga bixi lahaayeen daruufta jahliga.
Wasiirka waxbarashada Puntland wuxuu balanqaaday inay diyaarindoonaan qarashaadka ku bixidoona diyaarinta Silibiska, iyagoo la kaashanaya hay’adaha ka taageera dhinaca maaliyadda.
Manhajka waxbarashada Puntland ayaa la dajiyay sanadkii 2011, iyadoo waqtigaas kadib uu soo maray maraaxilo kala duwan. Tilaabadan meel marinta manhajka ayaa ah guul weyn oo usoo xarootay wasaaradda waxbarashada Puntland.
Halkaan ka daawo Sawiradda.
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA
IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND
Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.