Magacii Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo la bedelay

Wareegto maantay oo Arbaco ah taariikhduna tahay 25-Sep-2014 ka soo baxday xafiiska Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame, ayaa lagu shaaciyey in guud ahaan magacii Wasaaradda Waxbarashada Puntland la-badalay.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa daba socota shirkii golaha Wasiirada Dowladda Puntlan ee ku aadanaa 11-Sep-2014, kuna saabsanaa dib-u-eegidda Magaca Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta, iyadoo la fulinayo go’aankii ay isku raaceen golaha wasiirada Dowladda Puntland oo ahaa in Magaca Wasaaradda Waxbarashada laga dhigo ‘’ Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ‘’.

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare Dowladda Puntland ayaa lagu shaaciyey in guud ahaan la badalay magacii wasaaradda oo horay u ahaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta lagana dhigay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Wareegtadan oo u qornayd sidan.

WAREEGTO 33 0011111

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,

 

Scroll to Top