Madbacadda Wasaaradda Waxbarasahda iyo Tacliinta sare oo Buugaag kor u dhaafaya 23-kun oo buug u daabacday, kuna wareejisay Hay’adaha Save the children iyo NRC.

05/05/2015-Madbacadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa soo gabogabaysay daabacaad buugaagta Waxbarashada Sidkan iyo Sheekooyin kuwaasoo ay u daabacaysay Hay’adaha Save the Children iyo NRC-(Norwegian Refugee Counsel), kuwaasoo Wasaaradda Waxbarashada la shaqeeya,  kana taageera dhinacyo badan oo ay ka mid tahay daabacadaha Buugaagta kuwaasoo loo daabaco dugsiyo ay si gaar ah u gacan siiyaan oo ku yaal deegaanada Puntland.

 Buugaagtan oo ah kuwo ay hay’aduhu horay u soo dalbadeen ayay Madbacadda Wasaaraddu ku wareejisay Maalinimadii Arbacada ee Usbuucii la soo dhaafay taariikhduna ahayd 29-April-2015, iyadoo ay dhamaayeen buugaagtaasi 24,340 buug.

 Madaxa Qaybta Waxsoosaarka ee Wasaaradda Waxbarashada Faarax Yuusuf Nuur K.K ayaa sheegay in ay madbacaddu wadashaqayb joogta ah la leedahay Hay’adaha la shaqeeya Wasaaradda kuwaasoo intooda badan dalabaadkooda daabacaadaha buugaagta iyo dekumentiyada ka daabacda Madbacadda Wasaaradda, waxayna qayb ka yihiin buugaagtaani ay Madbacaddu u daabacday Hay’adaha Save the Children iyo NRC hawlaha wada shaqayneed ee kala dhexeeya Guud ahaan Wasaaradda iyo gaar ahaan Madbacadda.

 Mr. Farah ayaa sidoo kale sheegay in Madbacadda Wasaaradda Waxbarashadu awood u leedahay inay waqti kooban ku daabacdo dalabaadka uga yimaada Hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin iyo macaamiisha kaleba, Waxaana sidoo kale la rajaynayaa in kor loo qaado tayada Madbacadda si ay awood ugu hesho daabacaadaha buugaag wada gaara Puntland oo idil maadaama la rajaynayo dhowaan in la sameeyo manhaj-kii Waxbarashada Puntland.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

 

 

 

 

 

 

 

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

IMG_0542 IMG_0543 IMG_0544 IMG_0545 IMG_0546 IMG_0547 IMG_0548 IMG_0549 IMG_0550 IMG_0551 IMG_0552 IMG_0553 IMG_0554 IMG_0555 IMG_0556 IMG_0557 IMG_0558 IMG_0559 IMG_0560 IMG_0561 IMG_0562 IMG_0563 IMG_0564 IMG_0565 IMG_0566 IMG_0567 IMG_0568

Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta Sare

By Deek Mohamed Warsame

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top