Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Booqday Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee Boosaso

01-Feb-2016 –Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  kormeer booqasho ah ku tegey Jaamacadda Culuumta Caafimaadka ee magaalada Boosaaso oo ka-mid ah Jaamacadaha ugu faca weyn Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa Jaamacadda kusoo dhoweeyey Maamulka Sare ee Jaamacadda, Macallimiin iyo  Boqollaal arday ah oo wax ka-barta Jaamacadda Culuumta Caafimaadka kulliyadeheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu  soo dhoweyn kadib qol-qol u booqday qaybo kamid ah fasallada Jaamacadda iyadoo xilligaasi ay ardaydu qaadanayeen xiisadohoodi caadiga ahaa, waxaana uu wax ka-dhegeystey qaabka ay macallimiinta ardayda wax ugu sharaxayaan iyo sidoo kale qaabka ay ardaydu ugu fal-celinayaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intaasi kadib Jaamacadda kaga  qayb galay xalfad lagu soo bandhigayey wax-qabadkii Jaaamacadda iyo Tariikhdeedii oo qaab muuqaal ah loogu baahinayey Madaxweynaha iyo kasoo qayb-galayaashii xafladda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Prof.Cabdirisaaq Xuseen Xassan ah guddoomiyaha Jaamacadda dhabar adaygga uu umuujiyey sidii uu Jaamacadda usoo gaadhsiin lahaa heerka ay maanta joogto oo ah in ay soo saarto dhakhaatiir tayo leh ooka hawla gala inta dhammaan Gobollada Puntland iyo in ay la tar-tanto Jaamacadaha Caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale ardayda uga sheekeeyey qiimaha ay leeday wax-barashadu, waxaana uu kula dar-daarmay in ay dedaalkooda sii laba jibaaraan, si ay dalkooda iyo dadkoodaba u anfacaan maadaama uu caafimaadku yahay hal-bowlaha nolosha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu dambayntii ardayda ku booriyey in ay ka fogaadaan qabyaaladda, Tahriibka, iyo Falalka nabad diidka isla markaasina ay xoogga  saaran siday u badbaadin lahaayeen shacabkooda ku tabaalaysan gudaha dalka iyo daafaha caalamka iyagoo aqoonta ka duullaya.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

IMG_1891IMG_1894IMG_1902IMG_1905IMG_1907IMG_1911IMG_1915IMG_1917IMG_1921IMG_1926IMG_1939IMG_1954IMG_1960IMG_1971IMG_1996IMG_2010IMG_2015IMG_2016IMG_2019IMG_2022IMG_2027IMG_2039IMG_2042IMG_2051IMG_2053IMG_2059IMG_2064IMG_2065IMG_2078IMG_2084IMG_2092IMG_2104IMG_2106IMG_2108IMG_2119IMG_2126IMG_2134IMG_2138IMG_2139IMG_2142IMG_2143IMG_2156IMG_2163IMG_2174IMG_2178IMG_2190IMG_2194IMG_2200IMG_2201IMG_2203IMG_2211IMG_2215IMG_2227IMG_2245IMG_2247IMG_2249IMG_2252IMG_2266IMG_2270IMG_2273

 

Scroll to Top