Madaxa Mashaariicda Iyo Tababarada,Farsamada Gacanta Ee Wasaarada Waxbarashada Oo Kormeer Shaqo Ku Tagay Degmada Eyl

Magaalada Eyl waa meel mug iyo macno ku leh taariikhda faca wayn ee Soomaaliyeed. Waxayna juquraafi ahaan dhacdaa xeebta Bariee Badwaynta hindiya ee dooxada nugaaleed,waxayna qiyaastii 213 kmu jirtaa fogaan ahaan Magaalada Garowe dhinca Bari.

Afarta jiho waxaa magaalada Eyl kaga teedsan buuro dhaadheer iyo gabiyo waawayn. Waxaana gudaha daawac ka dhisan dhismayaal taariikhi ah oo laga xusi karo Sarta Daawad oo uu dhisay allaha u naxariistee Sayid Maxamed Cabdule xiligii uu eyl kula dagaalamayey ciidamadii gumaystayaasha iyo goobo kale oo taariikhi ah.

ARIMAHA BULSHADA EE DEGMADA EYL

Dhamaan arrimaha aasaasigaa ee Bulshada u baahan tahay waa kuwo ka jira Magaalada Eyl oo si caadi ah uga soconaya. garabna taagan yihiin maamulka, waalidiinta iyo waxgaradka degmada eyl

Dugsiyada faca wayn ee ku yaala degmada eyl ayaa muujinaya in ay ahayd barigii hore hoy ay horumarka waxbarasho loogu soo hiran jiray haatanse waxa furan oo shaqaynaya sadex iskool oo dowli ah oo kal ah hoose dhexe iyo sare. hal Dugsi oo si gaara loo leeyahay iyo mid wax lagu baro haweenka iyo danyarta.hase ahaatee maamulayasha Dugsiyada Eyl ayaa sheegay in ay kaalin wanaagsan ka qaataan waalidku socodsiinta waxbarsashada, hase ahaatee ay jirto baahiyo badan oo u baahan in lagu taageero.

Booqashadii Madaxa Mashaariicda Wasaarada Waxbarashada Ee Demada Eyl

Taariikhdu markay ahyd6/6/2012maalinkii arbacda ayaa ku wajahnaa u kuur galida Goobaha waxbarashada Degmada ayl iyo meelaha ay xakunto wasaarada waxbarashda ,iyo 100 arday oo xirfado kala duwan la barayo xirfadahakan.

Dhar Tolista

Makaaniko Doonyaha iyo Baabuurta

Sameynta Shabaagaha iyo kaluumeysiga

Sameynta Agabka Farshaxanka iyo qurxinta

Korontada

Dhamaan arimahaas oo dhan ayaa waxaa si wada jir ah uga wada shaqeynaya wasaarada waxbarashada, shaqada iyo shaqaalaha iyo Hay’adda Save Children oo kaashanaysa  maamulka degmada iyo odayada deegaanka  ururada dhalinyarta, haweenka.

Waxaa wafdigan tagey degmada Eyl hogaaminayey Agaasimaha waaxda Mashaariicda iyo Xirfadaha  ee wasaarada waxbarashda Puntland Mudane Mohamed Ali Farah ( Farmayeri) Agaasimaha ayaa kormeer u kuurgalid ah ku sameynayey xogtana ay is dhaaf sanayeen golaha degaanka iyo mayarkooda

waxaa si habsami leh loogu soo dhaweeyey goobta xarunta golaha degaanka degmada Eyl oo ay ku qaabileen masuuliyeenta oo uu horkacayo duqa degmada Eyl

Agaasimuhu markii ugu horeysay waxaa uu warbixin kooban siiyey gudoomiya degmada iyo golaha degaanka Eyl ujeedada safarkooda iyo u kuur galida baahiyaha waxbarashada ee degmada Eyl

waxaa uu shirkaasi ku soo gababobey is afgarad iyo wanaag labada dhinacba ka wada yimi.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top