Madax waynaha Dowlada Puntland oo Abaal Marino Gudoonsiiyey Ardaydii Ugu sarreesay Imtixaanadka Shahaadiga ah ee Dugsiyadda Sare Ee Puntland

30/07/2016- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 30 July, 2016 kulan soo dhoweyn iyo dhiirri gelin ah la qaatay 13-kii arday ee ugu sarreeyey imtixaankii shahaadiga ahaa e dugsiyada sare ee Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2015-2016.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland, Wasiir ku-xigeenka wax-barashada, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda iyo Ugaas Maxamuud Cabdiqaadir Shoole oo qayb libaax ka qaatay abaalmarintii la guddoonsiinayey ardayda.

Sidoo kale waxaa munaasabadda kulanka kasoo qayb galay maamulayaasha dugsiyadii ay kasoo bexeen 13-ka arday ee ugu sarreeyey imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Puntland, iyadoona ardayda iyo maamulayaashaba la guddoon siiyey abaal marino kala duwan oo isugu jira billado sharafeedyo, shahaado sharafyo iyo qaddarro lacageed oo kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Prof. Abshir Aw Yuusuf Ciise oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa ardayda kula dardaarmay in ay sii wadaan dedaalkooda isla markaana waxa uu xusay in ay dawladda Puntland ardaydaan u diri doonto wax barasho dibadda ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa uga mahadceliyey ardayda dedaalka ay muujiyeen iyo guusha ay ka gaareen dedaalkoodii ay soo wadeen muddada 12-ka sano ah ee wax baranayeen, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu u mahadceliyey waalidiintii ardaydaan soo barbaariyey oo garab taagnaa muddadii ay ku guda jireen waxbarashadooda.

Madaxweyna ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Ugaas Maxamuud Cabdulqaadir Shoole sida uu uga qayb qaatay dhiirri gelinta ardaydaan, waxaanu Madaxweynuhu ku tilmaamay Ugaaska in uu yahay shaqsi aqoon yahan ah oo dareemi kara qiimaha ay leedahay wax-barashadu.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ardaygii ugu sarreeyey dugsiyada sare ee Puntland guddoon-siiyey abaal marin ah  gaari  nooca loo yaqaan NOAH ama (NOOHO), waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in u jeedadu ay tahay sidii  kor loogu qaadi lahaa wax-barashada Puntland isla markaana ay ardadu ugu dhiirran lahaayeen in ay tartan u galaan sidii ay guulahaan oo kale u gaari lahaayeen.

 

 

Hoos Ka Daawo Sawiradda
IMG_1230IMG_1233IMG_1235IMG_1239IMG_1242IMG_1243IMG_1252IMG_1258IMG_1262IMG_1264IMG_1272IMG_1277IMG_1292IMG_1297IMG_1301IMG_1305IMG_1311IMG_1314IMG_1318IMG_1324IMG_1327IMG_1330IMG_1337IMG_1342IMG_1344IMG_1348IMG_1353IMG_1357IMG_1360IMG_1363IMG_1368IMG_1371IMG_1373IMG_1378IMG_1380IMG_1381IMG_1384IMG_1385IMG_1393

Scroll to Top