Madaweyne Sharif oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe

Madaxwenaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen R/wasaaraha dalka C/weli Maxamed Cali “Gaas” iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo uu hor kacayay Madaxweyne C/raxmaan Faroole.

Madaxweyne Sheikh Shariif oo ka degay Garoowe

Soo dhaweeynta Madaxweynaha ayaa u dhacday si heer sare ah oo aysan u kala harin shacabka iyo maamulka Puntland, waxaana Madaxweyne Shariif  uu soo kormeeray xerooyinka ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah iyo Cisbitaalka magaaladaasi,  isagoo mid mid u gacan qaaday bukaannada jiifa Cisbitaalka una rajeeyay in Allaah uu bugsiiyo.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay hareeraya ka socdaan R/wasaaraha dalka iyo Ergayga Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa in ka badan hal Kiilo Mitir ku lugeeyay wadada Laamiga ah ee magaalada Garowe, iyadoo hareeraha wadadana ay taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed ee Puntland, taas oo farxad iyo reynreyn ku abuurtay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Soo Dhoweynta Madaxweynaha ayaan loo kala hadhin, waxaadna arkaysaa dad qaba calanka Soomaaliyeed iyo kan Puntland oo la wada ruxaya dadkuna ay dhoobanaayeen jidadka dhinacyadiisa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa socod ku maray magaalada dhexdeeda waxaana uu socodkiisa ka soo bilaabey halka loo yaqaaney Enji isaga oo ku tegay Barxadda Garowe, waxaana uu salaamayey shacabka soo dhaweynaayey.

Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Cali Gaas ayaa horey ugu sugnaa magaalada Garowe kaas oo u sii gogol xaarayey wefdiga Madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha ayaa la aaminsan yahay in uu yahay mid lagu hagaajinaayo laguna turxaan bixinaayo khilaaf hore u dhexmaray Puntland iyo Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, waxaa lagu wadaa in wadahadalka ka dib la soo saaro warmurtiyeed labada dhinac u dhan yihiin.

Maamulka Puntland ayaa marar badan soo saarey wareegtooyin wada shaqeynta u dhexaysey Dawladda Dhexe iyo Puntland lagu hakinaayo, waxaana aad loo saadaalinayaa in booqashada Madaxweynuhu ay salka ku hayso turxaanbiixn iyo wada shaqeyn dhab ah oo labada dhinac dhexmara.

Iskusoo wada duuboo so dhaweyntan ayaa ka mid ah sida ay heegan ka ugu yihiin bulshada reer Puntland midnima Soomaaliyeed iyo in khilaafka udhaxeeya madaxda Somaliya uu soo afjarmo mar uun.

Amaal Abdillahi

Ministry Of Education Puntland Somalia

Scroll to Top