Macalimiin ka qalin jabiyay Kuliyadda tababarka Macalimiinta Puntland ee GTEC.

20/May/2015- Inka badan boqol macalin ayaa ka qalin jabiyay Kulliyadda Tababarka macalimiinta Puntland ee GTEC taasoo ku taala magalada Garowe.

Munaasibad macalimiinta qalin jabisay lagu gudoon siinayay ayaa galabta lagu qabtay Jaamacadda, waxana kasoo qayb galay Wasiirka waxbarashada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame, ku xigeenkiisa Dr.Maxamed Cali Faarax, Xildhibaano, waalidiin iyo masuuliyiin kale.

Mamulaha Kulliyaddan GTEC Cabdiraxmaan Shiikh Cali ayaa sheegay xafladan in loo qabtay 119-arday, kuwaasoo isagu jira labad qaybood ee macalinka loo tababaro , macalimiinta shaqayeeya ee tababarka qaatay ayuu tiradooda ku sheegay Cabdiraxmaan inay dhan yihiin 58-arday sodan ka mid ah waa macalimiin dugsi sare 28-na waa macalimiin wax ka dhiga dugsiyadda hoose dhexe.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad oo ka mid ahaa Xildhibaanaddii kulankan lagu caasumay ayaa boggaadiyay tiradda macalimiinta maanta qalin-jabisay, waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay waxa lagu tababarayay inay si hufan u gaarsiiyaan ubadka ku nool Puntland.

Qaar ka mid ah waalidiinta xaflada lagu caasumay iyo macalimiinta qalin-jabiyay ayaa darreenkooda ka hadlay, waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin waxa meesha ka dhacaya, iyadoona wasaradda waxabarashada ugu baaqay waalidiinta in shaqooyin loo raadiyo macalimiinta tababarka soo qaatay.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare mudane Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay ka wasarad ahaan inay ku faraxsan yihiin macalimiinta tababarka kusoo qaatay GTEC, kuwaasoo qaab lacag la’aan ah ku dhiganayay mudada uu socday tababarka.

Cali Xaaji Warsame ayaa muujiyay Kulliyadda GTEC inay ula mid tahay Jaamacadda GAHAYR, wuxuna ardayda qalin jabisay ugu hambaleeyay guulaha ay ka gaareen tababarka intuu u socday.

Kuliyadda GTEC ayaa la asasay sanadkii 2005, waxana mudadaas ka qalin jabiyay in ka badan kun iyo afar boqol oo macalin, kuwaasoo intooda badan dalka ka shaqeeya.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

IMG_1793 IMG_1804 IMG_1808 IMG_1815 IMG_1823 IMG_1825 IMG_1832 IMG_1834 IMG_1839 IMG_1845 IMG_1847 IMG_1848 IMG_1857 IMG_1861 IMG_1872 IMG_1874 IMG_1875 IMG_1876 IMG_1883 IMG_1893 IMG_1902 IMG_1906 IMG_1907 IMG_1911 IMG_1916 IMG_1920 IMG_1924 IMG_1932 IMG_1933 IMG_1936 IMG_1943 IMG_1946 IMG_1949 IMG_1952 IMG_1962 IMG_1964 IMG_1965 IMG_1968 IMG_1982 IMG_1989 IMG_2000 IMG_2001 IMG_2010 IMG_2028 IMG_2032 IMG_2033 IMG_2040 IMG_2043 IMG_2047 IMG_2048 IMG_2050 IMG_2058 IMG_2064 IMG_2069 IMG_2071 IMG_2074 IMG_2079 IMG_2087 IMG_2098 IMG_2105 IMG_2121

Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Waxbarashada iyo  Tacliinta Sare ee Dowlada puntland.

 

Scroll to Top