Maamulka dugsiga sare ee Eyl ayaa xaflad sagootin iyo abaalmarin isugu jirtay u qabtay arday dhammaysay fasalka afaraad ee dugsiga sare Eyl

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta iskuulka, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiir Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abdulaahi Xasan Rooble, Macalimiin, arday Ganacsato, Guddiga waaliddiinta dugsiga iyo marti-sharaf kale.

Maamulka dugsiga degaanka Eyl oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa ka warramay taariikhda iskuulka iyo heerarka uu soo maray.

Masuuliyiinta xafladda ka qaybgalay ayaa bogaadiyay maamulka dugsiga iyo dadka deegaanka, kuwaas oo meel wanaagsan soo gaarsiiyay muddadii uu jiray dugsigu, arday badanna soo saaray.Gebagebada xafladda ayaa waxaa abaalmarinno iyo shahaadooyin la guddoonsiiyey ardayda qalinbeddelatay iyo macallimiintii ugu wanaagsanaa dugsiga.

Scroll to Top