Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta hoolka Gobolka Nugaal, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Bashiir Jaamac Mohamud , Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Nugaal, Kormeeraha Waxbarashada Gobolka Nugaal, Qayb kamid ah Maamulayaasha Dugsiyada Degmada Garowe, Maamulaha Dugsiga Liibaan Mohamud Baafe, Shirkadab Salaama Bank, Macalimiinta Dugsiga, waaliddiinta dugsiga iyo marti-sharaf kale.
Maamulka dugsiga Mohamud Aw Cismaan oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa ka warramay taariikhda iskuulka iyo heerarka uu soo maray. Waxaa xafladda laga xusay dufcadaha ka baxay dugsiga Mohamud Aw Cismaan.
Masuuliyiinta xafladda ka qaybgalay ayaa bogaadiyay maamulka dugsiga iyo dadka deegaanka, kuwaas oo meel wanaagsan soo gaarsiiyay muddadii uu jiray dugsigu, arday badanna soo saaray.Gebagebada xafladda ayaa waxaa abaalmarinno iyo shahaadooyin la guddoonsiiyey ardayda qalinbeddelatay iyo macallimiintii ugu wanaagsanaa dugsiga.