LONDON : Casho-sharaf lagu saagootiyay Lataliyaha W. Waxbarashada PL Sahra Kooshin

London:-Casha sharaf lagu sii sagootinayay dhamaadkii socdaalkii deeraa ee ay kumartay wadamo ay ka mid ahaayeen Holland, Swedan, Norway, iyo UK oo ay magaalooyin kala gadisan ka tagtay Murwo Sahro Ahmed Koshin, oo ah lataliya WWB ee Puntland, ayaa waxay ka dhacday magaalada london, taas oo ay u sameeyeen hablaha jaaliyada puntland ee ku nool magaalada London,

Waxa ay Sahro ku baraarujisay hablihii ay habaynkaa wada casheeyeen in ay fadhiga ka kacaan oo ay u istaagaaan sidii ay kaalintooda banaan u buuxinlahaayeen oo ay qayb mugleh uga qaadan lahaayeen horumarinta waxbarashada ee dalkeena Puntland.
Ayna si joogta ah ula soo xiriiraan WWB puntland, aqoontooda iyo dhaqaalahoodaba ay geeyaan wadankii meeshii ay ka gaynlahaayeen wadamo shisheeye oo ay kala kulmi lahaayeen dhibaatooyin kala gadisan,
wadankiinii waa nabad waxa uu u baahanyahay horumar iyo in shaqooyin la’abuuro, dadka taagta darana la cawino.
 
Waxa kale oo ay sahro ay tilmaantay in habluhu yihiin udubdhexaadkii bulshada, la’aantoodna aan horumar jirayn, sidaa awgeed waa in aad kasoo dhalaashaan kaalinta la”ini ka filayo oo aad buuxisaan.
Waxaa sahro kadib kahadlay gudoomiyaha hablaha puntland murwo faaisa iyo af hayeenkooda xaawo matooto, waxa ayna sheegeen in ururkoodu u dhisanyahay in uu wax qabto oo uu kaalmeeyo dadkooda iyo dalkooda, anagoo isu abaabulayna arimaha sahro nagu baraarujisay in aan gacan wayn ka geysano,
Dadwaynihii kasoo qaybgalay cashadaas loo sameeyay Murwo Sahro, ayaa iyaguna ka hadlay dhamaantood oo aad ugu faraxsanaa in ay sahro la kulmaan aadna ugu bogaadiyay howsha quruxda badan oo wax tarka ah oo ay Sahro wado, waxayna balan qaadeen in ay u hawlgalaan sidii ay gacan buuxda uga gaysan lahaayeen dhaqaalaha lagu tabarucayo dhalinyarada aan awooda u lahayn in ay wax bartaan.
Waxaa balanqaad-yadaas oo kale laga sameeyay oo qaarkoodna ay bilaabeen in ay lacago ururiyaan, oo gudiyo loo xilsaaray ay ka shaqaynayaan wadamada Sahro soo martay oo dhan, waxaana la filayaa waqti dhaw in ay helaan dhaliyarada yar yar ee aan nasiibka u helin in ay waxbarashadooda dhamaystaan faqrinimo darteed, in ay wax ka tari doonto.
                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                             

The Puntland Education Fund (PEF)

 
 

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Scroll to Top