Lataliyaha Wasaarada Waxbarashada Dhinaca Hormarinta Haweenka Iyo Kulanka Jaaliyada Puntland

Sahro Ahmed Koshin oo ah la taliyaha wasaaradda waxbarashada Puntland ee dhinaca horumarinta dumarka ayaa kulan si heer sare loo agaasimay kula kulantay  jaaliyadda Puntland ee magaalada Gothenburg.

Ahmed Nuur iyo Rukiye M Hassan oo ka tirsan hogaanka iyo golaha dhexe ee jaaliyadda puntland community organisation ayaa sahro ahmed ku soo dhaweeyey magaaladda Gotheburg.

Waxa gabay qiiro leh halkaa ka jeediyey abwaan khaliif.  Xasan Muuse Cali (qoslaaye) ayaa isagana hadalo soomalinimo ah ku soo dhoweeyey sahro ahmed koshin

Feysal Hashi oo ahaa xiriiriyaha barnaamijka ayaa  khadka telefoonka ku soo dhoweeyey wasirka wasaaradda waxbarashada puntland mudane Abdi Farah Juxa oo warbixin ballaaran ka jeediyey waxqabadkii wasaaradda waxbarashada ee Puntland ee dhinac kasta taabaneysa oo dadkii dhageysaneyey aad iyo aad ugu riyaaqeen hadalladdii waxtarka lahaa uu wasiirka ka soo jeediyey .-

Sahro Ahmed Koshin ayaa si wanaagsan u dhameystirtey dadaalkii iyo horumarkii ay wasaaradda waxbarashada ee puntland ku talaabsatey. waxay xaqiijisey in maanta puntland taagan tahay heer ay tahay tusaale lagu daydo horumarkii ay ka gaartey dhinaca tacliinta. waxay si fiican u guubaabisey dhalinyaradda ku korey dalalka yurub in ay ka qaybqaataan dhismaha dalka hooyo. wasaaradda waxbarashada ee puntland waxay dhiirigelineysaa in maskaxda dalka lagu soo celiyo, lagana faaideysto tacliindooda iyo aqoontooda.

Su’aalihii ay dadweynaha ka soo qaybgalay kulanka waxa si wanaagsan uga jawaabtay Sahro Ahmed Koshin oo kana baahi tirey suaalahoodii.

Farxaad Mohamed oo ku hadleysay codka haweenka jaliyadda puntland ee Gothenburg hadalo dhiirigelin iyo soo dhoweeyn iskugu jirta.

waxa kulanka soo gabagabeeyey , una mahadceliyey dadkii ka soo qaybgalay gudoomiyaha jaaliyadda puntland community organisation Abdullahi Mohamed Ahmed. wuxuu kulan ku soo gabagaboobey jawi heer sare ah.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top