La Taliyaha Wasaarada Waxbarashada Dhanka Gender ka Ayaa Ka Qaybgashay Shir Ku Saabsan Doorka Dumarka Iyo Nabad U Helida Somaaliya

 

Dalka Jabuuti ayaa waxaa kadhacay shir balaaran oo ay isugu yimaadeen qaybaha dumarka Somaaliyeed, oo ay ku jireen haween barlamaanka Dawlada Fadaraalka ka socday, haween ka socday hay’adaha xuquuda aadanaha, haweenka u olaleeya isku duubnida iyo wax wada qabsiga haweenka Soomaaliyeed, aqoonyahano Soomaaliyeed, iyo ururo katirsan UNka, waxayna kakala yimaadeen wadanka Somaaliya gudihiisa iyo dibadiisa intaba.

 

Waxaa kamid ahayd aqoonyahanadii shirkaa lagu casumay lataliyaha Wasaarada Waxbarashada Puntland  murwo Sahra Ahmed Hirsi Koshin oo ka socotay dhinaca Puntland, kana timid xagaa iyo wadanka Netherlands oo ay ayaantan shaqo u joogtay, Murwo Sahra oo ay tahay arimahan laga shirayo waxyaabaha ay ku diyaarinayso PHD ay hada wado.

 

Marwo Sahra oo kawarantay xaalada doorka haweenaka somaaliyeed ay ka qaataan ama ka qaadankaraan nabada iyo siyaasada dalka Soomaaliya, hadaladeedii waxaa ka mid ahaa;

 

 

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay ka badanyihiin tira ahaan raga Somaliyeed, haweenka Soomaaliyeed waxa ay ka waxbarasha badan yihiin raga Soomaaliyeed, haweenka Soomaaliyeed waxa ay ka dhaqaala badanyihiin raga Soomaaliyeed, haweenka Soomaaliyeed waxa ay ka nabad jecelyihin raga Soomaaliyeed, haweenka Soomaaliyeed waxa ay ka horumar jecelyihiin raga Soomaaliyeed, haweenaka Soomaaliyeed waxa ay ka aaminaad roonyihiin raga Soomaaliyeed, haweenka soomaaliyeed waxa ay ka deeqsisanyihiin raga Soomaaliyeed. Intaasba anagoo kaga horayna raga Soomaaliyeed oo aad wada ogtihiin dhamaantiin, sidee ayay ku dhacday in la’inooga waayo hogaamiyayaal karti leh oo dalkan iyo dadkan baaba’ay dhibta kasaara, sidee la’inooga waayay haween u istaaga siyaasada hogaaminta dalka, sidee la’inooga waayay koox indheergarad ah aqoonyahano ah oo xal u raadiya arimahan Soomaaliya oo guuldaraystay, sidee la’inooga waayay koox u istaagta tv iyo radio u olaleeya ama muujiya waxqabadka haweenka iyo kaalinta siyaasada ay ka cayaarayaan dalka Soomaaliya,

 

Marka waxaan oranlahaa intaasba waynu awoodnaa, ee waa in aan u istaagnaa wax qabad, horumar iyo dib u soonoolayntii dalkaeena. Waxaan idiin sheegayaa ragii Soomaaliyeed in ay dalkii, dadkii, iyo diintiiba baabi’iyeen,      qaranimadii umada soomaaliyeedna waad ogtihiin maanta meesha ay taalo, bulshada caalamkuna waa naga daaleen, hadaba haweenow maxaan sugaynaa? Ma marka talo faraha kabaxdo ayaan dhawraynaa, oo aanaan waxba qabankarin? Waxaan oranlahaa haweenka ama gabdhaha inta i horfadhida ama i dhagaysanaysa ama warkayga akhrinaysa ee Somaaliyeed waa in ay si dagdag ah xiriir adag oo isku duuban oo maskax, caqli, aqoon, dhaqaale, karti, daacadnimo, midnimo, iyo hufnaan intaba la nimaadno si aan wadankeenii iyo dadkeenii wax ugu qabano, caana daatay dabadood ayaa laqabtaa”.

 

Erayadaas waxa ay kamid ahaayeen Murwo Sahra Ahmed Koshin khudbadii ay ka jeedisay xaruntii shirkaasi kadhacay. Waxaana shirkaasi ku dhamaaday si jawi wanaagsan ah oo Isfahan lahayd, horumarna laga gaaray u jeedooyinkii lagalahaa.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

 

 


 

Scroll to Top