Kullan Ku Saabsan Qiimaynta Mashaariicada Waxbarashadda Puntland ee ay Maalgaliso Midowga Yurub oo ka furamay magaalada Garowe.

16/ 05/2017- Xarrunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee Garowe waxaa ka furmay shir heer sarre ah oo lagu qiimaynayo mashaaricda ay maalgaliso EU ee waxbarashada Puntland.

kullanka oo gallinkii danbe  ee shalay ka furmay  Hallka shirarka ee wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxaa goob-joog  ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxabarasahada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax iyo  Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Maxamed Abdulaqadir Cismaan, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada, Khuburada la shaqaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Xubno ka socday Midowga Yurub  iyo dhaamaan hay’addaha Taageera Waxbarashada Puntland siada CARE, SCI, ADRA, RI, UNICEF,EAT,WV,EU Delegats,GBE. Mercy Crops.

Kullanka oo daah furay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland Prof Abashir Yuusuf Aw Ciise   ayaa ugu horayn uga mahad-celiyey midowga Yurub taageerada ay la garab taaganyihiin waxbarashada dhallaanka soo koraya  ee Puntland  sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho wanaagsan, Wasiirka ayaa sheegay in mashruuca ay maalgaliso Midowga Yurub  ee Waxbarashadu Waa Iftiin uu marayo meel wanaagsan isagoo sheegay in la doonayo in horay loo sii wado si looga faaidaysto mashruucaas baaxadda wayn.

Sidoo kale waxaa ayaguna kullanka intii uu socday ka hadlay Waftigii ka socday Midowga Yurub kuwaas oo sheegay in ay u yimaadeen Garowe sidii ay qiimayn buuxda ugu samayn lahaayeen mashruuca waxbarasho ee ay ka wadaan Puntland.

Wafatiga iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kormeer ku soo sameyey iskuuladii ay fuliyeen midowga Yurub.

Kullanka qiimaynta Mashaariicda Waxbarashada ee ay maalgaliso Midowga Yurub ayaa socday   muddo 2-maalmood ah, maalmaha uu socdana waxaa lagu soo bandhigi doona habkii loo fuliyay mashaariicdaas .

Hoos ka Daawo sawirad

20170516_094248 20170516_094131

 

Scroll to Top