Kulan tayeynta waxbarashada looga arinsanayey oo Qardho ka dhacay

Waxaa maanta degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ka dhacay kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho.

Kulankan ayaa ahaa mid ay soo qaban qaabisay Wasaarada waxbarashada ee Puntland oo kaashanaysa Hay’adaha Relief International iyo ADRA waxaana looga arinsanayey sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarasho ee degmada Qardho iyo guud ahaan gobolka Karkaar.

Mas’uuliyiintii kulankaas goob jooga ka ahaana waxaa kamid ah Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiquraan Maxamed Aadan, Agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax, Gudoomiyaha gudoonka waxbarashada ee gobolka Karkaar Bashiir Axmed (Gaalo eri), iyo duqa degmada Qardho Maxamed Siciid (Hogaama laroor).

Sidoo kale waxaa kulankaas kasoo qayb galay xubno ka tirsan Ururada waxbarashada gobolka Karkaar, Aqoon yahan, dhalinyaro, iyo waalidiin waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay Agaasimaha waaxda mashaariicda iyo tababarada macalimiinta ee wasaarada waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax.

Wuxuuna sheegay in kulankani uu yahay mid ay Wasaaradu soo abaabushay dhanka fankana ay ka taageerayaan Hay’adaha ADRA iyo Relief International ujeedada looga gol leeyahayna ay tahay sidii waxbarashada loo tayeyn lahaa dhalinyaradana loogu dhiiri gelin lahaa in ay wax bartaan.

Agaasimaha wasaarada waxbarashada Puntland ayaa dhinaca kale tilmaamay in ay wadaan hirgelinta Mashaariic dhowr ah oo dhalinyarada loogu sameynayo xirfado ay ku shaqeystaan si looga mashquuliyo in ay ku dhacaan waxyaabaha aan munaasibka ahayn ee ay Burcad badeednimadu kamid tahay.

Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Karkaar Bashiir Axmed (Gaala eri) oo isna kulankaas ka hadlay ayaa ugu horeyntii ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay isagoo xusay in waxbayaaha ugu daran ee waxbarashada curyaamin kara ay dhaqaale yaridu ugu weyn thaya.

Wuxuuna xusay in maamulka gobolku ay ay sameeyeen dadaalo badan oo arintaas ku aadan kuna guuleysteen in ay dib u furaan 7 kamid ah 8 Iskool oo kharash la’aan soo wajahday darteed isu xiray islamarkaana midka dhiman ay ku rajo weyn yihiin in isagana ay dib dhowaan u furaan.

Sidoo kale waxaa kulankaas hadalo wax ku ool ah oo ku aadan qiimaha ay waxbarashadu leedahay kasoo jeediyey mas’uuliyiintii kale ee kasoo qayb galay iyo xubno kale oo bulshad ka tirsan , waxayna dhamaan dadkii kasoo qayb galay isla qireen in ay muhiim tahay in loo wada is taago sidii waxbarashada loo dar dar gelin lahaa si bulshada looga samata bixiyo aafooyinka fowdada iyo xasilooni daridu ugu badan yihiin ee Jahliga laga dhaxlo.

Magaalada Qardho ayaa todobaadyadii u danbeeyey waxaa ka soconayey kulamo sidan oo kale ah oo ay wada qaadanayeen qayabaha kala duwan ee bulshada gobolka Karkaar kuwaas oo looga arinsanyey sidii gobolka looga tayeyn lahaa dhinaca waxbarashada loogana hortegi lahaa wax walba oo ammaanka iyo xasiloonida khal khal gelin kara.

 

Amaal Abdulahi

Minstry Of Education

Media Unit

Scroll to Top