Kulan Looga Tashanayo Siyaasada Waxbarashada Puntland Iyo Qorshaha Shanta Sano Ee Soo Socota Ayaa Ka Furmay Hoolka Shirarka Ee Hotel New Rays

kulan ay soo agaasintay wasaarada waxbarashada Puntland ayaa manta ka furmay hoolka shirarka ee hotel new rays,kulankan ayaa socon doona muda laba cisho ah, kaasoona looga arinsanayo siyaasada ku Aadan  waxbarashada Puntland iyo qorshaha shanta sano ee soo socota .

shirkan ayaa waxaa kasoo qaygalay dad aad utira badan kuwaasoo ka kala socday dhinacyada bulshada ay ka koobantahay aqoonyahano,ganacsato,culumaudiin,jaamacadaha,hay`adaha dawliga,ardada waxbarata si ay uga talabixiyan siyaasada waxbarashada Puntland iyo qorshaha shanta sano ee soo socota ayna ogaadaan in waxkan ay yihiin wax ay iyagu leeyihiin una diyaar garoobaan tala bixintiisa,kulamadan ayaa marar hore la qabtay ayagoo ufariistay shaqalaaha dhexe ee xarunta wasaarada waxbarashada kana doodeen talooyin badana ay ka baxsheen waxaa iyana sidoo kale ufariistay masuuliyiinta waxbarashad gobolada degmooyinka,maamulayaasha iskuulada,waalidiinta iyo gudiyada iskoolada oo iyagana ka talabaxshay midka hada socdana waa kii ugu danbeeyay oo looga tashanayo maadama hada laysku keenay waaya aragii khibrada ulahaa barnaamijkan.

Furintaakii kulankan ayaa waxaa hadalo kooban kasoo jeediyay wasiirka waxbarashada oo ka hadlay muhimada uu leeyahay isu imaatinkan looga arinsanayo siyaasada waxbarashada ay tahayna in loo dulqaato mudada loo fadhiyo madama ay tahay waxa kan wixii mustaqbalka umada anfaci lahaa, Wasiirka ayaa intaas kadib ka warbixiyey waqabadka wasaarada ee mudadii uu xilka hayey isagoo sheegay in ay kor u kacday tayada waxbarasho ee deegaanada Puntland, wuxuuna xusay in xiligan Puntland ay ku yaaliin: 458-Dugsi H/Dhexe, 53-Dusgsi Sare, 28- Dugsiyada farsamada gacanta ah, 223- Xarumaha W.barashada dadban ah. Jaamacado tiradoodu gaarayso kudhawaad 8.

 

Agaasiamaha Guud ee wasaarada waxbarashada ayaa isna ka hadalay waxa uuna sheegay in wasaaradu ay waayahan danbe ku hawlanayd sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada Puntland,si loo hormariyo tayada waxbarashada waxay wasaaradu dib u`eegis ku samaysay siyaasada waxbarashada dalka (Puntland Education Policy) Taasoo la diyaarshay sanadii 2005,waxay kaloo wasaarada diyaarisay qorshaha shanta sano ee soo socota.

Gabagadii ayaa la filayaa in kulankan uu soo xirmo maalinimada bari ah ay na soo bandhigi doonaan ka qaybagalayaasha fikaradahoodii.

Scroll to Top