Kulan dhexmaray Wasaaradda Waxbarashadda iyo ha’yadda Cuntadda aduunka(WFP).

Waxaa kulan iskugu yimid xaruta wasaradda waxbarashadda Puntland ee Garowe masuuliyiinta wasaaradda iyo saraakiil ka socdey hay’adda cunadda aduunka ee WPF,shirkaas oo ahaa mid looga tashanayey mashaariic dhanka Cunadda ah oo WFP ay ka hirgalinayso xarumaha Waxbarashadda ee Puntland.

Kulanka waxa shir gudoominayey wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashadda Puntland Prof Maxamed Cali Faarax oo ay weheliyaan ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda  Waxbarashadda Axmed Maxamed Warsame iyo agaasimaha waaxdda Mashaariicdda iyo Tababaradda ee Wasaaradda Maxamed Cali Faarax.

Waxaana kulankaasi ka soo baxey qodobo dhowr ah oo salka ku haya horinta mashaariicdda hay’adda WFP ay ka hirgalinayso xarumo dhowr ah oo Waxbarashadda lagu barto.

Qodobada ugu muhiimsan shirkaas natiijadiisa waxa kamid ah:-

1) In raashin la siinayo goobaha Waxbarasho ee Puntland uu noqdo raashinka noocisu wanaagsan yahay.

2) Balaarinta Schooladda raashinka la siiyo oo la gaarsiiyo meelaha baadiyaha ah iyo dhulka miyiga ah ee wax lagu barto.

3) Dhismaal Cusub oo dhanka Jikooyinka iyo Baraago Biyo oo laga hirgaliyo schooladda waxbarasho ee Puntland.

4) Shaqaalah wasaaradda ee dhanka Quudinta oo la kordhiyo loona sameeyo tababaro dheeri ah si ay u gutaan shaqo hufan.

5) Quudinta oo loo sameeyo siyaasad hagta iyo sharci lagu dhaqo.

6) Barnamijka kor u qaada is qorista barashada xirfadaha   iyo waxbarashada dadka waa wayn in lagu soo wareejiyo wasaaradda           waxbarashadda puntland.

7) In tabar loo sameeyo shaqaalaha ka shaqeeya quudinta waxbarashada iyo kuwa Goboladdaba.

Waxaana shirkaani uu ahaa mid ay si aad ah uso dhawaysey wasaaradda waxbarashadd Puntland.

 Daawo sawiradii shirka looga hadlay.
                                     Deeq Maxamed Warsame.
                                     Wasaaradda Waxbarashada puntland
                                    Contact Num ber+2525743400
Scroll to Top