Kulan ay yeesheen Wasiiradda Waxbarashadda iyo Gudoomiyaasha waxbarashadda ee Goboladda puntland.

Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda puntland ayaa kulan ugu horyey la yeeshay Gudoomiyaasha Goboladda Waxbarashada.

Kulan oo u jeedadisu ahyd isbarasho ay isku baranayaan wasiiradda dhawaan la soo magacabay ee Wasaarada Waxbarashadda ee puntalnd, iyo gudoomiyaasha Waxbarashada Gobollada puntland,

Kadib markii sifiican la isku bartay ayaa shirkaa waxa diiradda lagu saaray baahiyaha Waxbarasho ee ka jirta Goboladda puntalnd dhamaantod.

Wasiirka waxbarashadda puntland DR. CALI XAAJI WARSAME IYO WASIIR KU XIGEENKA WASAARADDA WAXBARASHADA PRF. MAXAMED CALI FAARAX ayaa ka hadlay saddex Qodob oo muhiim ah.

1- Baahida Waxabarashada oo ka jirta  Goboladda puntland dhamaantood in la ogaado.

2- Sii xoojinta xiriirka Waxbarashadda Goboladda puntland, iyo xiriirka ay la leeyihiin wasaaradda     dhexe.

3- In Madaxda Wasaaradda Waxbarashadda kormeer guud ku tagayaan Goobaha Waxbarasho ee ku         yaal Goboladda si loo xaqiijiyo baahida waxbarasho ee ka jirta dagmooyinka iyo goboladda.

Shirkaa ayaa waxaa uu ku soo dhamaday si wanaagsan oo xog badan la iska waydiyey waxbarashada Goboladda,

Wasiirka Waxbarashada ayaa hadalkisa sii raciyey qof walba oo Waxbarashadda masuul nooga ah waa la xisaabtami doonaa, mana noqonayo kulankenii ugu danbyey markasta waa kulamayna.

Akhriso magacayadda gudoomiyaasha waxbarashada gobollda puntland oo shirka lagu casumay.

1-Shamis Muuse Maxamud     –  Gobolka Bari

2-Xaashi Muuse Faarax               -Gobolka Nugaal

3-Xayaad Maxamed Maxamud  –  Gobolka Sanaag,

4-C/kariin Maxamed cilmi            – Gobolka Cayn

5-Bashiir Axmed maxamud        – Gobolka Karkaar.

6- Bashiir Axmed khalaf             – Gobolka Mudug

7- Maxamud Cabdi Maxamud    – Gobolka hayland.

8- Maxamud jaamac Dalmar      – Gobolka Sool

DAAWO SAWIRADII SHIRKA LOOGA HADLAY.

 

Deeq Maxamed warsame.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Contact Number+25257743400.

 

 

Scroll to Top