7/12/2017- Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax ayaa maanta kormeer ku tagey dhisme Dugsiga sare cusub   oo ka  dhistay Wasaaradda Waxbarashada ee magalada garowe nawaaxiga u dhow shirkada korontada ee NEK, iskuulkaas  oo noqon doona  iskuulada ugu casrisan dhismihiisa iskuulada hirgalisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Xaruntan schoolka ayaa qaab casri ah loo dhisay, iyadoo ay ku sugan yihiin eng wasaarada u xilsaartay oo soo dhoweeyay ku simaha Wasiirka  iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi xuseen Faarax

Dhismaha Xaruntani oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo dhamaado waqti dhow, si loogu bilaabo howshii loo diyaariyey, waxaana Wasiirka iyo  Gudoonka Waxbarashada  Gobolka Nugaal ay kormeer ku sameeyeen guud ahaan qeybaha kala duwan ee ay ka kooban yahay dhismaha xaruntan iskuulka.

Ku simaha Wasiirka Dr Maxamed Cali Faarax ayaa uga mahadceliyey dowlada Jordan iyo Hay’adda Relief International  taageerada xoogan ee mar walba ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Puntland, isagoo xusay dhismaha Xaruntani  ay door weyn  ka ciyaari doonto horumarinta iyo kor u qaadidda tayada Waxbarashada, gaar ahaan dhamaan Waxbarshada Puntland.

Dugsiga sare ee Cusub ayaa waxaa uu ka kooban yahay 15 Fasal iyo Xafiisyo iyo meelaha cafteriayada wax lagu cabo, Garoomada ciyaaraha, meelaha aradaydu ku nasato.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa marka uu dhamaado dhismaha iskuulka waxay magcabaysa Magaca Dugsiga iyo maamul gooni u ah iskuulka. Madama Qaybtiisa Dugsiga hoose dhaxe Al xigma uu yahay.

Waxaa kalo Wasaaraddu xusaysaa Maamulaha Jaamac siciid Al xigma  oo iskuulka cusub qayb door wayn ka qayb qaatay ahna asaasihii miraha Dugsiga.

Dhismahan Iskuuulka Cusub ayaa waxaa wada fulinaya Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare iyo Hay’adda Relief International iyo Dowlada Jordan.

Hoos ka Daawo Sawiradda 

DSC_0211 DSC_0212 DSC_0213 DSC_0180 - Copy DSC_0181 - Copy - Copy DSC_0181 DSC_0183 - Copy DSC_0183 DSC_0185 DSC_0186 DSC_0187 DSC_0188 DSC_0189 DSC_0190 DSC_0191 DSC_0192 DSC_0193 DSC_0194 DSC_0199 DSC_0200 DSC_0202 DSC_0203 DSC_0204 DSC_0206 DSC_0207 DSC_0208 DSC_0209 DSC_0210

By; Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare.

Please follow and like us: