Kormeerkii Waxbarshada Degmada Qardho oo si habsami leh uga socda Maalintii 3aad Goobaha Waxbarashada Magalada Qardho(Sawiro)

26\03\207-Maalintii 3aad kormeerka Waxbrashada Degmada qardho oo si xowli ah ku socda ayaa saaka aroortii teamamkii shaqooyinka waxay kala aaden dugsiyada jadwalka ugu jiray oo kala aha Dugsiga Hoose dhaxe ee Qardho iyo Dugsiga sare Nawaawi Qardho.
 
Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Boosaso siciid Maxamed Faahiye iyo Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Karkaar Bashiir  Axmed Gala iri iyo kormeeraha 1aad ee Gobolka Karkaaar Mahad Yuusuf Gacayte iyo shaqaalaha dhexe ee Wasaaradda ayaa howshoodii caadiga ah ka sii waday maalintii 3aas ee kormeerka.
 
Maamulayaasha Dugsiyada iyo Macalimiinta ayaa diyaarinaya liisaska Xaadiriska fasalada iyo tirade u fadhida fasal walba.
 
Kormeerkaan oo ka kooban labo qeybood oo hogaaminya agaasiamah Waaxda Tayenta iyo kormeerka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare C\qaadir Yuusuf Nuux ayaa ka socda Magalada Qardho , si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso degmada Qardho.
 
Ujeedadda Kormeerkan ayaa ah si looga hortago shahaadooyinka iyo bedelada been-abuurka ah ee ku soo badanaya magalooyinka Waa wayn dugsiyadooda, gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe oo majo-xaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland.
 
waxay ka shaqaynayan dhammaan Masuuliyiintan Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka ,Kormeeraha Guud iyo Kormeerayaasha Gobollada , Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah,Madaxa Qeybyada Wasaaradda inay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.
 
Ujeedaddooyinka kale ee guud kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.
 
Tallaaboooyinkaas waxaa ka mid ah:
 
In mas’uuliyiiinta kor ku xusani ay sameeyaan kormeer buuxa oo ay ugu kuurgalayaan cidda ka danbeysa sameynta bedellada iyo shahaadooyinka been-abuurka ah iyo dugsiyada dhiirigalinaya falalkaas xun.
 
 
Ciddii lagu helo iyada oo falkaas ka shaqeynaysa ama dhiiri galinaysa waxaa laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon oo heer wasaaradeed ah.
 
 
Ardaygii aan silsiladda ama jaraanjarada Waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaaanka shahaadiga ah.
 
 
Goobta in wax lagu barto loo furanaayo oo aan laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.
 
 
Dadajin iyo bootin laga gadaayo ubadka iyo waalidka aan waxbarshada fahamsanayn.
 
 
Macallimiin jaban oo tayadoodu liidato oo laga soo waarido meelo ka baxsan waddanka,si dhaqaale loo abuurto
                                                               Hoos Ka Daawo Sawiradda
IMG_5243IMG_5244IMG_5245IMG_5246IMG_5247IMG_5261IMG_5262IMG_5281IMG_5289IMG_5290IMG_5291IMG_5296IMG_5299IMG_5309IMG_5312IMG_5313IMG_5314IMG_5316IMG_5319IMG_5322IMG_5323IMG_5331IMG_5332IMG_5339IMG_5340IMG_5346IMG_5347IMG_5348IMG_5353IMG_5354IMG_5355IMG_5356IMG_5359IMG_5360IMG_5361IMG_5363IMG_5364IMG_5370IMG_5372IMG_5373IMG_5374IMG_5382IMG_5383IMG_5386IMG_5390IMG_5391IMG_5401IMG_5402IMG_5403IMG_5404IMG_5414IMG_5415IMG_5418IMG_5419IMG_5423IMG_5424IMG_5433
 
By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare
Scroll to Top