March\25\ 2018- Maalintii 2aad kormeerka Waxbrashada Degmada qardho oo si xowli ah ku socda ayaa saaka aroortii teamamkii shaqooyinka waxay kala aaden dugsiyada jadwalka ugu jiray oo kala aha Dugsiga sare ee Shiikh Cismaan iyo Dugsiga sare Mun’tadda Qardho.

Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Boosaso siciid Maxamed Faahiye iyo Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Karkaar Bashiir Galari iyo qayb ka mid ah kormeerayaasha Gobolka iyo shaqaalaha dhexe ayaa howshoodii caadiga ah ka sii waday maalintii 2aas ee kormeerka.

Maamulayaasha Dugsiyada iyo Macalimiinta ayaa diyaarinaya liisaska Xaadiriska fasalada iyo tirade u fadhida fasal walba.

Kormeerkaan oo ka kooban labo qeybood oo hogaaminya agaasiamah Waaxda Tayenta iyo kormeerka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare C\qaadir Yuusuf Nuux ayaa ka socda Magalada Qardho , si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso degmada Qardho.

Ujeedadda Kormeerkan ayaa ah si looga hortago shahaadooyinka iyo bedelada been-abuurka ah ee ku soo badanaya magalooyinka Waa wayn dugsiyadooda, gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe oo majo-xaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland.

waxay ka shaqaynayan dhammaan Masuuliyiintan Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka ,Kormeeraha Guud iyo Kormeerayaasha Gobollada , Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah,Madaxa Qeybyada Wasaaradda inay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.

Ujeedaddooyinka kale ee guud kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.

Tallaaboooyinkaas waxaa ka mid ah:

In mas’uuliyiiinta kor ku xusani ay sameeyaan kormeer buuxa oo ay ugu kuurgalayaan cidda ka danbeysa sameynta bedellada iyo shahaadooyinka been-abuurka ah iyo dugsiyada dhiirigalinaya falalkaas xun.
Ciddii lagu helo iyada oo falkaas ka shaqeynaysa ama dhiiri galinaysa waxaa laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon oo heer wasaaradeed ah.
Ardaygii aan silsiladda ama jaraanjarada Waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaaanka shahaadiga ah.
Goobta in wax lagu barto loo furanaayo oo aan laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.
Dadajin iyo bootin laga gadaayo ubadka iyo waalidka aan waxbarshada fahamsanayn.
Macallimiin jaban oo tayadoodu liidato oo laga soo waarido meelo ka baxsan waddanka,si dhaqaale loo abuurto

IMG_5011 IMG_4878 IMG_4879 IMG_4893 IMG_4894 IMG_4911 IMG_4913 IMG_4914 IMG_4965 IMG_4966 IMG_4978 IMG_4997 IMG_4998 IMG_4999 IMG_5003 IMG_5004 IMG_5009 IMG_5089 IMG_5079 IMG_5078 IMG_5075 IMG_5064 IMG_5051 IMG_5050 IMG_5046 IMG_5049 IMG_5043 IMG_5040 IMG_5019 IMG_5021 IMG_5024 IMG_5031 IMG_5032 IMG_4999 IMG_5000 IMG_5009 IMG_5010 IMG_5011 IMG_4997 IMG_4995 IMG_4978 IMG_4963 IMG_4957 IMG_4866 IMG_4874

IMG_4841 IMG_4884 IMG_4883 IMG_4836 IMG_4834 IMG_5155

 

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Please follow and like us: