Kormeerkii Waxbarshada Degmada Boosaso oo si habsami socod ah uga socda Maalintii 4aad Goobaha Waxbarashade Magalada Boosaso

19\12\2017- Maalintii 4aad kormeerka Waxbrashada Degmada boosaso oo si xowli ah ku socda ayaa saaka aroortii teamamkii shaqooyinka waxay kala aaden dugsiyada jadwalka ugu jiray.

Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Boosaso Abdulahi Abshir Xasan iyo qayb ka mid ah kormeerayaasha Gobolka iyo shaqaalaha dhexe ayaa howshoodii caadiga ah ka sii waday maalintii 4aad ee kormeerka.

Maamulayaasha Dugsiyada iyo Macalimiinta ayaa diyaarinaya liisaska Xaadiriska fasalada iyo tirade u fadhida fasal walba.

Kormeerkaan oo ka kooban saddex qeybood oo hogaaminya Madaxa kormeerka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare C\Laahi Xuuxule ayaa ka socda Magalada Boosaso, si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso degmada Boosaso.

Si  looga hortago shahaadooyinka  iyo bedelada been-abuurka ah ee  ku soo badanaya magalada Boosaso dugsiyada gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe oo majo-xaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland, waxay ka shaqaynayan dhammaan Masuuliyiintan  Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka ,Kormeeraha Guud iyo Kormeerayaasha Gobollada , Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah,Madaxa Qeybyada Wasaaradda  inay  qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.

Ujeedadda guud ee kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.

Tallaaboooyinkaas waxaa ka mid ah:

  • In mas’uuliyiiinta kor ku xusani ay sameeyaan kormeer buuxa oo ay ugu kuurgalayaan cidda ka danbeysa sameynta bedellada  iyo shahaadooyinka been-abuurka ah iyo dugsiyada dhiirigalinaya falalkaas xun.

 

  • Ciddii lagu helo iyada oo falkaas ka shaqeynaysa ama dhiiri galinaysa waxaa laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon oo heer wasaaradeed ah.

 

  • Ardaygii aan silsiladda ama jaraanjarada Waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaaanka shahaadiga ah.

 

 

  • Goobta in wax lagu barto loo furanaayo oo aan laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.

 

  • Dadajin iyo bootin laga gadaayo ubadka iyo waalidka aan waxbarshada fahamsanayn.

 

 

  • Macallimiin jaban oo tayadoodu liidato oo laga soo waarido meelo ka baxsan waddanka,si dhaqaale loo abuurto

Hoos ka Daawo sawiradii kormeerka maalintii 3aad iskuulada degmada Boosaso.

IMG_2761 IMG_2577 IMG_2578 IMG_2580 IMG_2581 IMG_2583 IMG_2586 IMG_2587 IMG_2591 IMG_2592 IMG_2594 IMG_2602 IMG_2604 IMG_2613 IMG_2614 IMG_2615 IMG_2622 IMG_2624 IMG_2625 IMG_2628 IMG_2629 IMG_2630 IMG_2631 IMG_2632 IMG_2640 IMG_2645 IMG_2647 IMG_2649 IMG_2651 IMG_2652 IMG_2654 IMG_2656 IMG_2661 IMG_2663 IMG_2664 IMG_2665 IMG_2666 IMG_2667 IMG_2669 IMG_2670 IMG_2671 IMG_2673 IMG_2675 IMG_2676 IMG_2681 IMG_2683 IMG_2686 IMG_2690 IMG_2691 IMG_2693 IMG_2695 IMG_2696 IMG_2698 IMG_2699 IMG_2702 IMG_2703 IMG_2704 IMG_2707 IMG_2708 IMG_2711 IMG_2718 IMG_2719 IMG_2720 IMG_2726 IMG_2727 IMG_2729 IMG_2730 IMG_2732 IMG_2739 IMG_2742 IMG_2743 IMG_2744 IMG_2749 IMG_2751 IMG_2754 IMG_2755 IMG_2756 IMG_2758 IMG_2759

By; Deeq Hurevov
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top