Kormeerkii Waxbarshada Degmada Boosaso oo Maalintii 6aad ka socda Goobaha Waxbarashade Magalada Boosaso.

21\12\2017-Maalintii 6aad kormeerka Waxbrashada Degmada boosaso oo si xowli ah ku socda ayaa saaka aroortii teamamkii shaqooyinka waxay kala aaden dugsiyada jadwalka ugu jiray.

Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Boosaso Abdulahi Abshir Xasan iyo Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Bari shamis Muuse iyo qayb ka mid ah kormeerayaasha Gobolka iyo shaqaalaha dhexe ayaa howshoodii caadiga ah ka sii waday maalintii 6aad ee kormeerka.

Maamulayaasha Dugsiyada iyo Macalimiinta ayaa diyaarinaya liisaska Xaadiriska fasalada iyo tirade u fadhida fasal walba.

intii kormeerka iyamahan socaday araday iyo maamul badan badan ayaa jah wareeray.

Arday badan ayaaa waxay ku noqdeen fasaladii ay ka soo booden iyagoo si khaldan ku yimi iskuulada ay hada joogeen

Go’aanka Kormeerkan ayaa go’aankisa saxda ah Waxaa gaaraya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare bishaan gudeheeda.

Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ayaa liiska soo gudbinaysa ardayda aan loo ogaalan doonin inay fariistan imtixanka Dugsiyad sare iyo iskuulada tayada xun ee degmada Boosaso.

Wasaaradad Waxbarashada ayaa ku howlan hagaajinta iskuulada iyo arday tayo leh inay soo baxaan.

Kormeerkaan oo ka kooban saddex qeybood, ayaa ka socda Magalada Boosaso, si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso degmada Boosaso.

Si looga hortago shahaadooyinka iyo bedelada been-abuurka ah ee ku soo badanaya magalada Boosaso dugsiyada gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe oo majo-xaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland, waxay ka shaqaynayan dhammaan Masuuliyiintan Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka ,Kormeeraha Guud iyo Kormeerayaasha Gobollada , Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah,Madaxa Qeybyada Wasaaradda inay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.

Ujeedadda guud ee kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.

Tallaaboooyinkaas waxaa ka mid ah:

1- In mas’uuliyiiinta kor ku xusani ay sameeyaan kormeer buuxa oo ay ugu kuurgalayaan cidda ka danbeysa sameynta bedellada iyo shahaadooyinka been-abuurka ah iyo dugsiyada dhiirigalinaya falalkaas xun.
2- Ciddii lagu helo iyada oo falkaas ka shaqeynaysa ama dhiiri galinaysa waxaa laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon oo heer wasaaradeed ah.
3- Ardaygii aan silsiladda ama jaraanjarada Waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaaanka shahaadiga ah.

4- Goobta in wax lagu barto loo furanaayo oo aan laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.
5- Dadajin iyo bootin laga gadaayo ubadka iyo waalidka aan waxbarshada fahamsanayn.
6- Macallimiin jaban oo tayadoodu liidato oo laga soo waarido meelo ka baxsan waddanka,si dhaqaale loo abuurto

By; Deeq Hurevov
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare

IMG_3052 IMG_2958 IMG_2962 IMG_2963 IMG_2964 IMG_2965 IMG_2966 IMG_2968 IMG_2969 IMG_2970 IMG_2971 IMG_2972 IMG_2973 IMG_2974 IMG_2975 IMG_2980 IMG_2981 IMG_2982 IMG_2983 IMG_2984 IMG_2985 IMG_2989 IMG_2990 IMG_2994 IMG_2995 IMG_2996 IMG_2999 IMG_3001 IMG_3007 IMG_3009 IMG_3012 IMG_3013 IMG_3014 IMG_3015 IMG_3020 IMG_3021 IMG_3022 IMG_3023 IMG_3025 IMG_3026 IMG_3030 IMG_3031 IMG_3038 IMG_3041 IMG_3042 IMG_3044 IMG_3045 IMG_3046 IMG_3047 IMG_3048 IMG_3049 IMG_3050 IMG_3051

By; Deeq Hurevov
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top