18\12\2017- Maalintii 3aad kormeerka Waxbrashada Degmada boosaso oo si xowli ah ku socda ayaa saaka aroortii teamamkii shaqooyinka waxay kala aaden dugsiyada jadwalka ugu jiray.

Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Boosaso Abdulahi Abshir Xasan iyo qayb ka mid ah kormeerayaasha Gobolka iyo shaqaalaha dhexe ayaa howshoodii caadiga ah ka sii waday maalintii 3aad ee kormeerka.

Maamulayaasha Dugsiyada iyo Macalimiinta ayaa diyaarinaya liisaska Xaadiriska fasalada iyo tirade u fadhida fasal walba.

Kormeerkaan oo ka kooban saddex qeybood, ayaa ka socda Magalada Boosaso, si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso degmada Boosaso.

Si  looga hortago shahaadooyinka  iyo bedelada been-abuurka ah ee  ku soo badanaya magalada Boosaso dugsiyada gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe oo majo-xaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland, waxay ka shaqaynayan dhammaan Masuuliyiintan  Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka ,Kormeeraha Guud iyo Kormeerayaasha Gobollada , Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah,Madaxa Qeybyada Wasaaradda  inay  qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.

Ujeedadda guud ee kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.

Tallaaboooyinkaas waxaa ka mid ah:

  • In mas’uuliyiiinta kor ku xusani ay sameeyaan kormeer buuxa oo ay ugu kuurgalayaan cidda ka danbeysa sameynta bedellada  iyo shahaadooyinka been-abuurka ah iyo dugsiyada dhiirigalinaya falalkaas xun.

 

  • Ciddii lagu helo iyada oo falkaas ka shaqeynaysa ama dhiiri galinaysa waxaa laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon oo heer wasaaradeed ah.

 

  • Ardaygii aan silsiladda ama jaraanjarada Waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaaanka shahaadiga ah.

 

 

  • Goobta in wax lagu barto loo furanaayo oo aan laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.

 

  • Dadajin iyo bootin laga gadaayo ubadka iyo waalidka aan waxbarshada fahamsanayn.

 

 

  • Macallimiin jaban oo tayadoodu liidato oo laga soo waarido meelo ka baxsan waddanka,si dhaqaale loo abuurto

Hoos ka Daawo sawiradii kormeerka maalintii 3aad iskuulada degmada Boosaso.

IMG_2470 IMG_2472 IMG_2475 IMG_2484 IMG_2487 IMG_2488 IMG_2489 IMG_2490 IMG_2491 IMG_2493 IMG_2494 IMG_2495 IMG_2501 IMG_2502 IMG_2505 IMG_2506 IMG_2508 IMG_2509 IMG_2510 IMG_2511 IMG_2512 IMG_2514 IMG_2517 IMG_2518IMG_2506IMG_2511IMG_2513IMG_2514IMG_2515IMG_2516IMG_2505 IMG_2519 IMG_2520 IMG_2521 IMG_2523 IMG_2524 IMG_2525 IMG_2526 IMG_2527 IMG_2529 IMG_2530 IMG_2531 IMG_2532 IMG_2533 IMG_2534 IMG_2535 IMG_2536 IMG_2538 IMG_2539 IMG_2540 IMG_2541 IMG_2543 IMG_2545 IMG_2546 IMG_2547 IMG_2550 IMG_2554 IMG_2555 IMG_2559 IMG_2563 IMG_2567 IMG_2573 IMG_2575 IMG_2576

By; Deeq Hurevov
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare

Please follow and like us: