17\12\2017Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa bilowday inay kormeero dhameystiran ku sameyso dhammaan dugsiyada, xarumaha iyo macaahida ay waxbarashu ka socoto Magalada Boosaso.

Kormeerkaan oo ka kooban saddex qeybood, ayaa lagu sameyn doonaa Magalada Boosaso, si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso degmada Boosaso.

Ujeedadda guud ee kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ayaa kula dardaarmay gudoomiyayaasha waxbarashada gobolka Bari iyo saraakiil katirsan wasaaradda waxbarashada inay kormeerkoodu si hufan usoo gutaan islamarkaana ay natiijo wax ku ool ah kusoo celiyaan xarunta dhexe ee wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed C\qaadir Cismaan ayaa maanta la kulmay Maamulada Dugsiyada Hoose,Dhexe iyo Sare ee magaalada Bosaso,iyagoo Warabaxino kala qaatay rasmi ah.

 

Agaasimaha ayaa sheegay in ujeedada kulanka ay tahay in Wasaaraddu ay ogaato habsami u socodka Waxbaarshada,tayada iyo baahiyaha jira,waxaana uu xusay in Mas’uuliyiinta Wasaaraddu ay kormeer ku mari doonaan guud ahaan Gobolada Puntland.

Waxaa xusid mudan in agaasimha iyo Wafdigiisa ay sidoo kale kormeer ku tageen Xafiiska Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Bari,waxaana agaasimaha socdaalkiisa ku weheliya;- Agaasimaha Waxbarashada Tooska ah Marwo Maryan Jaamac xuseen ee Wasaaradda Waxbarashada iyo ,Madaxa madaxa kormeerka Cabadulahi xuuxule Nuur Ciiro Jaamac Bulshaale iyo Xabiib’’ iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Waxbarashada Degmada Boosaso.

Magalada Boosaso ayaa ahmiyad gaara u leh waxbarashada Puntland iyadoo ay ka furanyihiin Goobo Waxbarasho oo aad utiro badan oo iskujira Waxbarshada asaasiga ah macaahid, Jaamacado, Daaro quraano.

Magalada Boosaso ayaa ka yimada aradyda ugu badan oo dugsiyada sare imtixaanka fariista.sidoo kale waxaa ka howl gala macalimiin aad u farabadan.

Kulanka dhexmaray maamulada iskuulada Degmada Boosaso ayaa si wanagsan ka soo dhamaaday inkastoo caqabado badan sheeganayeen maamulayaasha.

                                          Hoos ka Daawo Sawiradda.
IMG_2328 IMG_2329 IMG_2332 IMG_2336 IMG_2340 IMG_2341 IMG_2342 IMG_2343 IMG_2347 IMG_2348 IMG_2351 IMG_2352 IMG_2353 IMG_2354 IMG_2355 IMG_2356 IMG_2357 IMG_2358 IMG_2359 IMG_2364 IMG_2365 IMG_2367 IMG_2368 IMG_2369 IMG_2370 IMG_2371 IMG_2372 IMG_2373 IMG_2375 IMG_2377 IMG_2382 IMG_2386 IMG_2398 IMG_2399 IMG_2403 IMG_2407 IMG_2408 IMG_2409 IMG_2411 IMG_2421 IMG_2423 IMG_2425 IMG_2426 IMG_2428 IMG_2429 IMG_2435 IMG_2441 IMG_2443

 By; Deeq Hurevov
Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare

Please follow and like us: