Kormeerkii Waxbarashada Magalada Boosaaso,2020.

Kormeerkii Waxbarashada Degmada Boosaaso oo si habsami leh uga socda oo la kormeeray Goobaha Waxbarashada Magaalada Boosaaso.
Kormeerka Waxbrashada degmada Boosaaso ayaa saaka aroortii teamamkii shaqooyinku waxa ay kala aadeen dugsiyada jadwalka ugu jiray oo kala ahaa dugsiga Omar Binu Abdi Aziiz , Dugsiga sare Biyo Kulule iyo Dugsiga Hoose/Dhexe ee Macalin Jaamac,dugsiga Sare Gaarisa , Dugsiga sare Xaaji Yaasiin iyo Dugsiga Hoose/Dhexe Girible,dugsiga Sare Ugaas Yaasiin , Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare Iftin, Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare Ganaane, Dugsiga Sare Xamadaan,dugsiga Sare ee Boosaaso Puplic, dugsiga sare ee White Tower, iyo dugsiga Hoose/dhexe ee Daarul-Qur’aan.
Agaasimaha Xafiiska Waaxda Imtixaanaadka Maxamuud Maxamed Siciid (Caynsane), Mohamed Cali Waabari, Xaliimo gaacshe ( Xaliimo Chemistry,) iyo qayb kamid ah shaqaalaha dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa saaka ka hawl galay dugsiyadii lagu tala galay in lasoo kormeero.
Kormeerkaan oo ka kooban hal qayb oo uu hoggaaminayo agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Muxamuud Maxamed Siciid Caynsane, ayaa qorshuhu ahaa in Waaxda Tayadhawrka waxbarashadu iyo Waaxda Imtixaanaadku u ogaadaan halka ay waxbarashadu marayso magaalada Boosaaso iyo waliba caqabadaha iyo kororka ardayda.
Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd si looga hortago shahaadooyinka iyo bedellada been-abuurka ah ee ku soo badanaya magaalooyinka waawayn dugsiyadooda, gaar ahaan dugsiyada dhexe, dugsiyada sare iyo macaahidda oo majo-xaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland.
Waxa ay ka shaqaynayaan dhammaan masuuliyiintan waxbarashada gobollada iyo degmooyinka, Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka, Kormeerayaasha gobolka , Guddoomiyaha Waxbarashada degmada Boosaaso, Madax-Qeybyada Wasaaraddu in ay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada, isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.
Ujeeddooyinka kale ee kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeeddooyin kale oo ay kamid yihiin: Baarista ardayga booda iyo caddaynta sugnaanta bedellada, hagaajinta maamulka dugsiyada, cashar eegista fasalka iyo qodobbo kale.
Tallaaboooyinkaas waxaa ka mid ah:
In mas’uuliyiiinta kor ku xusani ay sameeyaan kormeer buuxa oo ay ugu kuurgalayaan cidda ka danbeysa sameynta bedellada iyo shahaadooyinka been-abuurka ah iyo dugsiyada dhiirrigelinaya falalkaas xunxun.
Ciddii lagu helo iyada oo falkaas ka shaqeynaysa ama dhiirrigelinaysa waxaa laga qaadi doonaa tallaabada ku habboon oo heer wasaaradeed ah.
Ardaygii aan silsiladda ama jaranjarada waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaanka shahaadiga ah.
Goobta in wax lagu barto loo furanayo oo aan laga fakarin habboonaanteeda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toonna.
Dadajin iyo bootin laga gadayo ubadka iyo waalidka aan waxbarshada fahamsanayn.
Macallimiin jaban oo tayadoodu liidato oo laga soo waarido meelo ka baxsan waddanka, si dhaqaale loo abuurto.
333 334 335 38 - Copy 39 - Copy - Copy 39 - Copy 40 - Copy - Copy 53 - Copy - Copy 54 - Copy - Copy 54 - Copy 54 58 - Copy 65 - Copy - Copy 65 - Copy 69 70 - Copy - Copy 70 72 - Copy 73 74 75 77 79 80 86 84 83 82 81 87 89 90 91 99 222 223 224 225 226 227 228 229 230 231 232 233 234 235 236 238 239 240 520 1 - Copy - Copy 1 - Copy 1 2 - Copy - Copy 2 - Copy 2 4 - Copy - Copy 4 - Copy 4 5 - Copy - Copy - Copy 6 - Copy - Copy 6 - Copy 6 7 - Copy - Copy 7 - Copy 10 - Copy - Copy 10 - Copy 8 - Copy 8 10 11 - Copy - Copy 11 - Copy 12 - Copy - Copy 12 - Copy 12 13 - Copy - Copy 13 - Copy 14 - Copy - Copy 14 - Copy 14 18 - Copy - Copy 18 - Copy 18 19 - Copy - Copy 19 - Copy 19 20 - Copy - Copy 20 - Copy 20 21 23 - Copy - Copy 23 - Copy 24 - Copy - Copy 26 - Copy - Copy 26 - Copy 26 25 27 - Copy 29 - Copy 29 28 - Copy - Copy 28 - Copy 30 - Copy - Copy 28 30 - Copy 30 31 - Copy - Copy 34 - Copy - Copy 34 - Copy 35 - Copy - Copy 35 - Copy 37 - Copy - Copy 34 36 36 - Copy 36 - Copy - Copy 37
Scroll to Top