Kormeerka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland uu ku marayo Xarumaha Waxbarada Bosaso oo si habsami leh u socda.

27/10/2014,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame oo maalmihii ugu dambeeyay Kormeer ku marayay Xarumaha Waxbarashadda Bosaso, ayaa Kormeer ku tagay Jaamacadda Bosaso,Jaamacadda Culuumta Caafimaadka iyo Dugsiga Imaamu Nawawi,waxaana Wasiirku uu kormeerkiisa ugu kuurgalayay Habsami u socodka Waxbarasho,Tayadda iyo baahiyaha jira.

Maamulada,Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Bosaso,Jaamacadda Culuumta Caafimaadka iyo Dugsiga Imaamu Nawawi ayaa si Kal iyo Laab ah uso  dhoweeyay Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland.

Mudane Cali Xaaji Warsame oo la hadlay Aradayda Wax ka barata Goobaha Waxbarasho ee uu Kormeerka ku maray,ayaa ku booriyay inay dalka iyo dadka wax u bartaan,maadama ay yihiin Mastaqbalka Soomaaliya.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in wannaaga Mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiran yahay hadba sida ay wax u bartaan Jiilka Soo koraya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay Wasaaradda Waxbarashadda Puntland ay ku dadaalayso sidii loo tayayn lahaa Waxbarashadda Puntland.

Ardayda Imaamu Nawawi ayaa Wasiirku uu ugu hambalyeeyay Kaalinta muhiimka ahayd ee ay ka galeen Imtixaamaadka guud ee la qaaday,xilli Laba Arday wax ka baranaysay Imaamu Nawawi ay qayb ka yihiin Ardayda Deeqaha Waxbarasho ka helay dalka Suudaan.

Kormeerka Wasiirka Waxbaarshadda iyo Tacliinta Sare ee Puntland uu ku tagay Jaamacadda Bosaso,Jaamacadda Culuumta Caafimaadka iyo Dugsiga Imaamu Nawawi ayaa qayb ka ah Kormeero uu ku marayay Xarumaha Waxbarashadda Bosaso.

Waxaa xusid mudan in Wasiirku uu sii wadi doono Kormeerkiisa,waxaana la filayaa marka uu soo Afrmeero Kormeerka,inuu Kormeer kan dhigiisa ah ku tago Gobolada kale ee Puntland.

HHoos ka daawo sawiro.

1234678910111213141516171819202122242625272829303132333435523

 

XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAADDA PUNTLAND,


Scroll to Top