Kormeeraha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare oo Maalintii 5aad Kormeeraya Xarumha Waxbarashada Degmada Qardho.

28\03\2018- Maalintii 5aad kormeerka Waxbrashada Degmada qardho oo si xowli ah ku socda ayaa saaka aroortii teamamkii shaqooyinka waxay kala aaden dugsiyada jadwalka ugu jiray oo hoos yimaada Degmada Qardho Dugsiyadda oo kala aha Dugsiga Hoose\dhaxe ee Tuulada Shire, Dugsiga\hoose dhaxe ee Tuulada Yaka yaka iyo Teamka kale oo maanta ka shaqaynayey Dugsiyada kala ah agoonta , xorgoble Iyo Dugsiga hose dhaxe ee geel- Xoor.

Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Qardho siciid Maxamed Faahiye iyo Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Karkaar Bashiir Axmed Gala iri iyo kormeeraha 1aad ee Gobolka Karkaaar Mahad Yuusuf Gacayte iyo shaqaalaha dhexe ee Wasaaradda ayaa howshoodii caadiga ah ka sii waday maalintii 4aad ee kormeerka.

Maamulayaasha Dugsiyada iyo Macalimiinta ayaa diyaarinaya liisaska Xaadiriska fasalada iyo tirade u fadhida fasal walba.

Kormeerkaan oo ka kooban labo qeybood oo hogaaminya agaasiamah Waaxda Tayenta iyo kormeerka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare C\qaadir Yuusuf Nuux ayaa ka socda Magalada Qardho , si waaxda tayadhowrka waxbarashadu u ogaato halka ay waxbarasharadu marayso degmada Qardho.

Ujeedadda Kormeerkan ayaa ah si looga hortago shahaadooyinka iyo bedelada been-abuurka ah ee ku soo badanaya magalooyinka Waa wayn dugsiyadooda, gaar ahaan dugsiyada sare iyo kuwa dhaxe oo majo-xaabin iyo burbur ku ah tayada waxbarashada Puntland.

waxay ka shaqaynayan dhammaan Masuuliyiintan Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka ,Kormeeraha Guud iyo Kormeerayaasha Gobollada , Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah,Madaxa Qeybyada Wasaaradda inay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo lagu xaqiijinayo habsami u socodka waxbarashada dugsiyada isla markaana looga hortagayo wax kasta oo hagardaamo ku ah waxbarashada.

Ujeedaddooyinka kale ee guud kormeerkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in kor loo qaado tayada qofeed ee ardayga iyo ujeedooyin kale oo ay kamid yihiin, Baarista ardayga booda iyo cadaynta sugnaanta bedelada, Hagaajinta maamulka dugsiyada,Cashar eegista fasalka iyo qodobo kale.

Tallaaboooyinkaas waxaa ka mid ah:

In mas’uuliyiiinta kor ku xusani ay sameeyaan kormeer buuxa oo ay ugu kuurgalayaan cidda ka danbeysa sameynta bedellada iyo shahaadooyinka been-abuurka ah iyo dugsiyada dhiirigalinaya falalkaas xun.

Ciddii lagu helo iyada oo falkaas ka shaqeynaysa ama dhiiri galinaysa waxaa laga qaadi doonaa tallaabada ku haboon oo heer wasaaradeed ah.

Ardaygii aan silsiladda ama jaraanjarada Waxbarashada aan raacin ama soo booday ma fariisan doono imtixaaanka shahaadiga ah.

Goobta in wax lagu barto loo furanaayo oo aan laga fakirin haboonaantooda xag caafimaad iyo xag waxbarsho toona.

Dadajin iyo bootin laga gadaayo ubadka iyo waalidka aan waxbarshada fahamsanayn.

Macallimiin jaban oo tayadoodu liidato oo laga soo waarido meelo ka baxsan waddanka,si dhaqaale loo abuurto.

Hoos Ka Daawo Sawiradda.

IMG_5860 IMG_5858 IMG_5852 IMG_5850 IMG_5849 IMG_5848 IMG_5847 IMG_5845 IMG_5843 IMG_5836 IMG_5837 IMG_5839 IMG_5842 IMG_5817 IMG_5820 IMG_5822 IMG_5823 IMG_5810 IMG_5809 IMG_5805 IMG_5782 IMG_5781 IMG_5767 IMG_5768 IMG_5777 IMG_5746 IMG_5744 IMG_5738 IMG_5755 IMG_5753 IMG_5733 IMG_5735 IMG_5736 IMG_5737 IMG_5704 IMG_5705 IMG_5706 IMG_5708 IMG_5682 IMG_5683 IMG_5684 IMG_5666 IMG_5665 IMG_5664 IMG_5657 IMG_5656 IMG_5634 - Copy IMG_5634 IMG_5629 IMG_5630 IMG_5631

 

 

 

By: Deeq Hurevov Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Scroll to Top