Jaalyadda P/land Ee Norway Oo Soo Dhaweysay Marwo Sahro Ahmed Koshin

Marwo Sahro Axmed Kooshin oo ah lataliyaha wasaarada waxbarashada dawlada Puntland oo ay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dagan dalka Norway gaar ahaan caasumada Oslo maanta oo ay tariikhdu tahay 29.12.2011 shir kula kulantay magalada Oslo.

Kulankaan balaaran oo looga hadlayay waxbarashada Soomaliya gaarahaana mida Puntland waxii u qabsoomay, ayaa waxuu ahaa kulan si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qaybgaleen dhaman qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay bulshada ku nool magaalada Oslo iyo nawaaxigeeda, sida Dhalinyarada ,Aqoonyahanka, Haweenka,Odayaasha .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkaan oo uu soo diyaariyay Gudoomiyaha Jaaliyada C/wahaab Maxamed Saciid ayaa waxuu ahaa shir aad loosoo agaasimay ayana isugu yimaadeen dhamaan dadka Soomali ee dagan casumada dalka Norway ee Oslo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkaan oo uu xiriiriye ka ahaa Afayeenka Jaaliyada Puntland Ciiro Ahmed Xassan oo isagu shirka si habsami ku dheehantahay u daadihinayay.

Shirka waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah oo uu akhriyay Duuliye Sare Shahar, markaa kadibna, waxaa hadalkii loo gudbiyay Gudoomiyaha Jaaliyada C/wahaab oo halkaas ka jeediyay erayo guubaba ah oo ka turjumayay dhamaan xalada dadka soomaaliyeed ee ku nool wadanka Norway.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay dhaawaca gaaray tacliintii Soomaaliya , kadib markii uu galay wadanka xaalad dagaal sokeeye, kaasoo kalifay in aqoontii iyo maskaxdii wadanku ay dibeda usoo baxdo, intii ku hartay ee wax garanaysay ay noqdeen kuwo gaboobey, ama ku dayanacan wadankii.

Gudoomiyuhu waxa uu amaanay Puntland iyo wasaaradeeda waxbarashada sida ay ugu dedaalayso in ay daba qabato , diyaarisana jiilalkii wadanka mustaqbalka u ahaa, sidoo kale waxa uu si gaara u amaanay Marwo Sahra iyo doorka ay ku leedahay kor u qaadida tayada waxbarasho ee Soomaaliya , gaar ahaan Puntland.

Madasha shirka lagu soo dhawaynayay marwo Sahra Axmed Kooshin ayaa sidoo kale waxaa hadalo qiima iyo qiiru ku dheehantahay ka jeediyay odayaasha reer Oslo iyo dumar. Waxaa kamid aha ragii iyo dumarkii ka hadlay madashaas, Oday C/raxman Sanyare, Duuliye Sare Col/ Shahar, Adan Looshade iyo Dr.Maxmed Cilmi Sabriye .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa afka gabdhaha Jaaliyada Soomaliyeed ee dagan Norway kaga hadashay goobtaas Khadiiji Abshir (Waraabe) oo iyadu balan qaaday inay gabdhaha reer Norway ay garab iyo gaashaanba lagarab taagnaan doonan Wasaarada Waxbarashada iyo mashruuaca Sahra ay qaabishantahay.

Intaa kadib ayaa hadalkii lagu soo dhaweeyay marwo Sahra Ahmed Koshin. Si wanaagsan ayay u dhameystirtey dadaalkii iyo horumarkii ay wasaaradda waxbarashada ee puntland ku talaabsatey. Waxay xaqiijisey in maanta Puntland taagan tahay heer ay tahay tusaale lagu daydo horumarkii ay ka gaartey dhinaca tacliinta.

Waxay fariin qiima badan oo guubaabo ah u jeedisay dhalinyaradda ku korey dalalka Yurub, una sheegtey in ay ka qayb-qaataan dhismaha dalka hooyo, Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland waxay dhiirigelineysaa in maskaxda dalka lagu soo celiyo lagana faaideysto tacliindooda iyo aqoontooda.

Su’aalihii ay dadweynaha ka soo qaybgalay kulanka waxa si wanaagsan uga jawaabtay Sahro Ahmed Koshin oo kana baahi tirtay wixii ay qabeen iyo aragtiyahooda intuba.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa nasiib wayan ahaa inuu shirka kadhacay dalka Norway Caasumadiisa Oslo uu qadka taleefoonka kaga soo qayabgalay wasiirka waxbarashada dawlada Puntland, Cabdi Faarax Saciid (JUXA) oo isagu ka sheekeeyay horumarka ay maanta marayso Waasarada Waxbarashada iyo guulaha ay gareen.

Sidoo kale ayaa wasiirku wuxuu u mahadnaqay jaaliyada Soomali ee dagan dalka Norway iyo, Gudoomiye Cabdiwahaab iyo marwo Sahro oo uu wasiirku ku tilmaamay inay hayso shaqo aad u baaxad wayan ayna tahay halyeeyad .

Gababa gabadii kulankii dhexmaray Sahro Ahmed Koshin oo ah lataliyaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee dhinaca horumarinta dumarka iyo jaaliyada Soomaliyeed ee reer Norway ayaa waxuu kusoo idlaaday guul iyo gobanimo, waxaana shirkii soo afmeereay marlabad gudomaiyaha Jaaliyaada C/wahaab Maxamed Saciid.

Gudoomiyaha Jaaliyada
Cabdiwahaab M. Siciid

Afhayeenka Jaaliya 
Ciiro Axmed

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top