Is Af- garad Wada shaqayn oo u dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland iyo maamulka Degmada Gaalkacayo.

16- April- 2017. Barnaamij tijaabo ah ee Maamulka Baahinta adeega Waxbarashada Asaasiga ah ayaa is af-garad wadashaqayn ah waxaa uu dhex maray Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo uu matalayo agaasimaha Guud  ee Wasaaradda waxbarashada Maxamed Abdulqadir cismaan  iyo Maamulka Degmada gaalkacayo oo uu matalayo Duqa degmada Galkacayo maxamed yaasiin Tumey.

Hishiiskaan ayaa waxaa kaloo qayb ka ahaa Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bashiir Axmed khalaf iyo Gudoomiyaha degmada Wxabarashada Galkacayo Maxamed Cabdi Faarax (Garweyne).

Hishiiskani ayaa Waxaa uu taageeryaa Barnamijka Daadejinta Maamul iyo go’aan ka gaarida arimha la xiriira adeegyo tayo leh si kor loogu qaado Waxbarshada asaasiga ah ee Degmada Galkacayo.

Golaha Degmada Gaalkacayo Waxay balan qaadeen  in ay buuxiyaan adeegyada waajibaad kooda   ka saaran  yahay iyo arimaha u bahan in laga hormariyo adeegyada ku qeexan hishiiska.

Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Waxay balan qaadaysa in ay fududayso   shaqalaha, hubinta fulitaanka shaqada iyi taageerida maamulka degmada Galkacayo sida ku qeexan hishiishkan.

Hishiiskan Waxaa uu dhaxeeyaa Wasaaradda Waxbarashada  iyo  Tacliinta sare iyo Dowlda Hoose ee Galkacayo.

Hishiish kani wuxuu la xiriiraa fulinta Barnmijka tijaabda ah ee daadejinta /baahinta adeega Waxbarshada asaasiga ah taas oo qayb ka ah siyaasada Maamul baahinta dowlda Puntland.

Doorka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare .

  • In ay abuurto lahaansho barnamijka adeeg daadijinta isla markaana dheeri galisaa sidii la isga kaashan lahaa helitaanka dhaqaale lgu tageero hormarinta adeega Waxbarasho loo bahan yahay.
  • In si joogta ah loo dayactiro Dugsiyada Dowliga ah.
  • Bixinta bilaash biyaha iyo korontada.
  • In bulshada la wacyigaliyo; waa in bulshada lagu baraarujiyo sidii ay ilam u siin lahyeen fursad wax ku barta waxbarshada uga qayb gelin lahayeen waxbarshada.
  • In si joogta ah loo kormeero sidii fuliyey howlihiii lagu hishiiyey in wax laga qabto.
  • Inay ay hubiso in war baxinta ku saabasan  kharshaadka loo iticmalay iyo meeshii ay ku bixeen loo gudbiyaa hay’ada UNICEF.

Doorka Dowlada Hoose ee Degmada Gaalkacayo.

  • In si wada jira loo doorto 3 iskuul hoose/dhexe ah oo ka faa’iidestaan barnamijka tijaabada ah ee Degmada Gaalkacayo.
  • In la furo, akoon gooni ah, isla markaasna Dowlada hoose ee Galkacayo ay si hormaris ah ku shubto kharsh boqolkiba 5 ka ah kharshakaa guud ee lagu fulinayo arimaha adeega daadijenta.
  • In loo xil saaro. Lana kobciyo kartida shaqo ee waaxda arimaha bulshada si ay fuliso howlihii loo idmaday ee adeega daadijinta.
  • In warbaxin ku saabsan isticmaalka kharshaad loogu talo galay loo gudbiyo Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland.

Waxaa hiish kan Wada Saxiixay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Abdulqadir Cismaan iyo Duqa degmada Magalada Gaalkacayo Maxamed Yasiin Tumay.

29 (1) 23 24 25 26 27

                                                                                                                                                     DSC_0126 DSC_0049

 

By:Deeq Maxamed Warsame.

Madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top