IMTIXAANKII SHAHAADIHA AHAA OO KA BILOWDAY 70 XARUMOOD GUUD AHAAN PUNTLAND

Toddobaatan xarumood oo ku yaal Puntland ayaa saaka si rasmi ah waxaa uga bilowday Imtixaanaadka kama dambaysta ee ay u fariisanayeen in ka badan 9000 (sagaal kun oo arday).

Imtixaankan oo uu Furay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas abbaarihii 10:00-kii aroornimo ee saaka oo Sabti ah Maajo 24, 2014 isaga oo joogay Dugsiga sare ee Gambool oo ay Imtixaanka ku wada galayeen Fasalada Afaraad ee Gambool iyo Al-waaxa  ayaa waxaa uu u rajeeyay guul iyo inay noqdaan kuwo ku guulaysta Waxbarashadoodii iyo dadaalkii ay mudada dheer ku soo jireen, waxaana uu kala dar-daarmay in aysan ardaydu noqon kuwo ku hamiya Tahriib iyo wax la mid ah.

Madaxweynaha ayaa ardayda ku dhiiri galiyay in Dawladda Puntland ay ka shaqaynayso sidii ardayda loogu heli lahaa Waxbarasho Tacliin sare ah iyo weliba in loo samayn doono shaqo abuur, ayna ku qanci doonaan inay aqoontooda dalkooda kaga shaqaystaan, uguna shaqeeyaan dadkooda.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan Ardayda sanadkaan Imtixaanka u fariisanaysa u rajeeyay guul kulana taliyay inaysan waqtigaasi dheer ee ay wax soo baranayeen aysan ku soo gabagabayn Tahriib oo aysan waaridiintoodii welwel iyo hawl iyo kharash kale ku siyaadin, balse ay noqdaan kuwo waxtara.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay in wasaaradda Waxbarashada ay tahay midda kaliya ee ku guulaysatay in imtixaanad midaysan laga qaado dhamaan Dugsiyada Puntland ee fasalada sideedaad iyo 12-aad ee waxbarashada asaasiga ah, muddo 13-sano ahna ay ku socotay nidaamkaas ilaahayna ku guuleeyey, sanadkaanna uu u rajeeyey inuu guul ugu soo dhammaado.

Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa isaguna sidoo kale Hambalyo u diray waaridiintii, Macallimiintii iyo Maamulkii Wasaaradda ilaa heer Degmo isagoo ugu hambalyeeyey dadaalkii dheeraa ee ay la soo mareen ardaydaas ka badan sagaalka kun oo arday oo imtixaankii ugu horreeyay saaka u fariisanaysa guud ahaan Puntland.

Wasiirku waxaa uu ka soo sheekeeyey Imtixaanadkan iyo dadaaladii loo soo maray iyo sidii loo soo xafiday, isagoo sheegay in ay tahay hawl adag oo la soo maray, sanad walbana la galiyo dadaal iyo dhaqaale aad u badan, waxaana uu ardayda ku dhiiri galiyay ardayda inay isku kalsoonaadaan, aaminaana aqoontooda isagoo u rajeeyey in ay ku guulaystaan rajooyinka ay leeyihiinna oo wanaagsanna ay gaaraaan.

Ku Simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ahna Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Axmed Maxamed Warsame (Axmed Saahid) ayaa isaguna u jeediayay ardayda hadallo dhiiri galin ah iyo in wasaaraddu ay dadaal kula jirto ardayda si ay mustaqbalkooda guul uga gaaraan, waxaana uu u sheegay kuna dhiiri galiyay in maanta ay halkaan go’aanka mustaqbalkooda ku gaarayaan, balse ay dhibaato ku noqonayso haddii ay tahriib iyo wax la mid ah ku fakarayaan.

Ku simaha Agaasimaha Axmed Saahid ayaa tusaale ugu soo qaatay qaar ka mid ah ardayda oo sanadihii la soo dhaafay ugu sar sareeyay kuwaasoo helay waxbarasho sahe oo lacag la’aan ah weliba qaarkood laga bixiyo biilasha, isagoo qaar ka mid ah u magacaabayay, waxaana uu kula taliayay inay dadaalkii ay ardadaasu la timi mid la mid ah ay la yimaadaan, aaminaana wixii ay soo barteen.

Axmed saahid ayaa sidoo kale kala taliyay inay qish sameeyaan isagoo sheegay in uu kalsooni darro ku abuuro ardayda qishka aaminta.

Waxaa sidoo kale halkaasi kula hadlay Duqa Degamada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi koor iyo masuuliyiin kale iyo weliba qaar ka mid ah Ardayda Imtixaanka galaysaa kuwaasoo dhamaan ay hadaladoodu ahaayeen kuwo ay ardayda ku dhiiri galinayaan uguna ducaynayaan.

Furitaankii uu Madaxweynuhu Furay Imtixaanka ka dib Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo masuuliyiin kala socotay Wasaaradda ayaa dhammaantood soo maray xarumo kale oo ay ka socdeen Imtixaadku kuwaasoo ay masuuliyintu ku dhiiri galinaysay.

Waxaa sidoo kale loo kala diray guud ahaan Gobolada Puntland Masuuliyiin ka socda Wasaaaradda Waxbarashada qaybeheeda kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada Proff. Maxamed Cali Faarax oo kaga qayb galay Boosaaso Furitaankii Imtixaanaadka, waxaana dhamaan Xarumihii uu Imtixaanku ka furmay laga soo sheegay in wax walba ay u socdaan sidii loogu talo galay oo aan ilaa iyo hadda aysan jirin wax caqabad ah haba yaraatee.

Deeq Maxamed Warsame (Hurre VoV)

 

Scroll to Top