Imtixaankii Kama Danbasyta Ee Fasalada Sideedaad Iyo Form Four, Oo Furmaya Maalmaha Fooda Nagu Soo Haya

 

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa manta lagu qabtay tababar loo qabtay dhamaan macalimiinta lo xilsaaray inay imtixaanda ilaaliyaan, iyo goob joogayaal ayagana kasocda wasaarada waxbarashada iyo gudoomiyayaasha gobolada ee waxbarasho

Tababarkan ayaa waxaa bixinaya hay`ada AET waxaana fududayanay waaaxda imtixaanka ee wasaarada waxbarashada .

Axmed Saahid Madaxa Imtixaanadka Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa waxa  uu sii kooban uga hadlay qaabka uu u dhacayo iyo sida habeysan ee u nidaamiyeen imtixaanaadka, waxanana uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay…………….”Waa riyo dhabowdey in imtixnaadka hal mar la wada qaado Puntland….”.

Axmed Sahid Madaxa Waaxda Imtixaanka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa waxa uu aad iyo aad uga hadley muhiimadda uu leeyahay Imtixaanaadkan, waxaana uu sheegey in uu yahay mustaqbalka Ardeyda Puntland iyo muraayadda Waxbarashad Puntland, waxaana uu sheegey in Wasaaraddu ay aad ugu dadaaleyso horumarinta Waxbarashada Puntland, ayna doonayaan in dhinac kasta laga hormaro si jahliga looga baxo.

Waxa uu aad ugu dheeraday ammaanada iyo sida loo baahan yahay in ammaanada loo xafido, waxaana uu xusey dadka ku hawlan Imtixaanaadka ay yihiin dad masuuliyiin ah oo aqoon leh balse mar kasta loo baahan yahay in wanaaga la isxasuusiyo, waxa uu kula dardaarmey in imtixaadka la ilaasho.

6868 Ardey ayaa ufariisanya sanadkan Imtixaanadka 8 iyo Form Four, waana markii labaad ee Puntland imtixinada  si mideysan loo qaado.

 

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top