Imtixaankii Guud Ee Fasalada Form Four, Iyo 8 Ka Oo Manta Si Rasmi Ah Uga Furmay Dhamaan Deegaanada Puntland

Munaasibad ballaaran oo lagu daah furayay furitaanka imtixaanaadka fasalada 12-aad iyo 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2011-2012 ayaa maanta ka dhacday xarunta dugsiga sare ee Gambool,waxana kasoo qayb galay masuuliyiin badan uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka Dowlada Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire.

Ugu horayn waxaa ka hadlay munaasibadaani agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Mr Maxamed Cabduwahaab,wuxuna war bixin kooban ka siiyay madaxwayne ku xigenka dowlada ,isagoona faah faahiyay qaabka ay u socdaan imtixaanka fasalada 12-ee dugsiga sare iyo 8-aad oo dugsiga dhexe ah .

Gen.Cabdisamad Cali Shire madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxwayne oo khudbad dheer kana hadlaysa qiimaha ay lee dahay waxbarashada kasoo jeediyay halka ay ka dhacaysay munaasibada ayaa sheegay muhiimadda ay waxbarasho lee dahay iyo dadaalka looga baahan yahay dhalinyarada imtixaanka maanta u fariisanaysa.

 

Wuxuna Cabdisamad Cali shire  ardayda ku booriyay samirka iyo dulqaadka in loo badiyo waxbarashada,wuxuna sheegay mastaqbalka Puntland ee danbe inay faraha ugu jirto dhalinta waxbarashada ku mashquulsan”Run ahaantii waxaa farxad wayn ii ah inaan maanta ku dhawaaqo in la qaado imtixaanka fasalada 12-iyo8-aad xukumada Puntland waxay ka marag ka caysaa qaabka

wanaagsan ee ay u dadaaleen ardaydaani”.

 

“Ugu danbayntii waxan idin lee yahay dhalinyaroow ku dadaala waxbarashada nin waxbartaa ayaa mustaqbalka danbe ku taabo waxaana la idin kaga baahan yahay door lixaadle inad ka ciyaartaan aqoonta Puntland taalla” Cabdisamad Cali Shire.

 

 

Dhinaca kale masuuliyiintii ka hadlay munaasibadaani waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ,wuxuna sheegay galitaanka imtixaanka iyo qaadistiisa  inay tahay arin culus oo u baahan dulqaad badan,wuxuna dhamaan ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ugu baaqay inay ku dadaaleen sidii ay kaalmooyin fiican u keeni lahaayeen sixitaanka danbe.

Imtixaanka maanta waxaa u fariistay arday gaaraysa ilaa 6,868 ,waxaana lagu qaadayaa 61 xarumood oo ay ku sugan yihiin khuburo dhanka waxbarashada ku xeel dheer kana socda wasaarada waxbarashada ,waxaana gallaya imtixaanka 150-iskuul oo isagu jira fasalka 12-aad iyo fasalka 8-aad.

Waxaana lagu wadaa in lasoo gabo gabeeyo maalinta khamiista ah ee soo socota ,iyadoona dhanka amaanka goobaha imtixaanka lagu qaadayo ay tahay mid sugan.

 

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top