Imtixaanadii Fasalada 8 aad Oo Ay Socoto Sixidoodii Ayagoo Ufadhiya Kudhawaad 95 Macalimiin

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxaa ka socda sixitaanka Imtixaanka 8-ka ee Puntland kaas oo dhawaan soo bixi doona.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cadiwahaab Axmed ayaa sheegey in sixitaanka Imtixaankan ay u fadhiyaan 95 qof oo macalimiina ah kuwaas oo muddo todobaad ku dhameystiri doonaan Imtixaanka.

Ardeyda sanad-dugsiyeedka 2011-2012 ee fasalada 8-aad ayuu ku sheegey 5000, waxaana uu sheegey in Imtixaanka ay iska iska dabasaxayaan waraaq kasta 4 qof si aan wax khalad ah u dhicin.

Todobadkan gudihiisa ayuu sheegey in la dhameystiri doono haddii Eebe idmo.

Dhawaan ayay ahayd markii si rasmi ah loo shaaciyay Imtixaanaadka Dugsiyada sare ee Puntland kuwaas oo tiradoodu ay gaareysaey 6868.

 

Amaal Abdulahi Ali
Ministry Of Education
Puntland Somalia
Scroll to Top