Hay`ada (AET) Oo Tababar Ku Saabsan Kormeerida Ufurtay Gudoomiyaasha Waxbarashada Iyo Kormeerayaasha Gobolada.

Waxaa maanta ka furmay xarunta Wasaarada Waxbarashada ee dowalda Puntland tababar ay ka  soo qayb galeen Gudoomiyayasha Gobolada,Degmooyinka,Kormeerayasha Gobolada, Tababarkaani ayaa waxaa fulinaysa hay’ada AET (Africaan Education Trust) wuxuuna  socon doona muddo sadex maalmood  ah waxaana ka qayb qaadanaya bixinta lagu baranayo inta uu socda tababrkaani Macallimiin ajnabi ah kuwaasi oo wax badan u sharixi doona barayaashaani sidaugu wanaagsan ee loo loo kormeero waxbarashada .


Waxaana tababarkaani furay agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada puntland,Mr Mohamed Abduwahab agaasimaha ayaa tilmaamayinay in badan u mahad celinayaan Hay’ada AET (Africaan Education Trust) oo uu sheegay inay  wax badan ka qabatay
horumarinta waxbarashada guud ahaanba deegaanda Puntland sidoo kale agaasimuhuwaxaa uu kula  dardaarmay dhammaanba Kasoo qaybgalayaasha  inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan waana mid muhim u ah Kormeere Kasta.

Sidoo kale waxaa furintaankii ka hadlay kormeeraha guud ee waxbarashada Mr Abduqadir Yusuf Nuh oo isaga inbadan ka hadlay ujeedada tababarkan iyo muhiimada uu uleeyahay haboontahayna in laga faa`idaysto,kormeraha oo muda sii ahaa sii hayaha agaasimaha guud kadib markii uu xilkii ka tagay agaasimahii hore ee wasaarada .

Gabagadii ayaa hadal kooban waxaa ka  jeediyay  wasiirka waxbarashada Mr Juxa oo sheegay in tababarkan uu yahay mid muhiim u ah waxbarashada korna uqaadi doona tayada waxbarashada wasiirka oo ka hadlay qodobo muhiima ayaa waxa uu sheegay in wasaaradu ay samaysay barnaamij la yiraahdo (EMIS)  Information management system taa soo aan ugu talagalnay in lagu xareeyo xogta iskuulada gobolada dhamaantood walina ay socoto, waxaa amaan ujeedinayaa gobolka sool oo ah gobolka kalya ee soo gudbiyay xogtii si saxna usoo gudbiyay ,waxaana inta dhimana ku boorinayaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay iyana usoo gudbiyaan,kormera kasta anagu waxaan la xisaabtamaynaa marka uu sanad kasta imtixaanaadkiisu dhamaado si loogu cabiro kormeeraha shaqadiisa.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

 

Scroll to Top