Hay`ad AET iyo Wasaarada wabarshada oo qabtay tababar ku saabsan manaahita oo la yiraahdo curriculum frame work design

Wasaarada waxbarashada oo kashanaysa hay`ada AET ayaa wada qorshe cusub oo dib loogu dajinayo manaahijta  kaasoo ah mid casri ah,waana markii labaad oo la qabto tababar lagu barnayo barnaamijkaan ayadoo ay bixinayaan khubura ajaaniba oo dalka dibadiisa ka yimi.

Barnaamijkan ayaa waxaa horay ugasoo qaybqaatay khubura badan oo ku xel dheer hawshatan waxaana hada u fadhiya qaar ka tirsan dhamaan waaxyaha ay ka koobantahay wasaarada waxbarashada,kuwaasoo iyana waxka oran doona kana qaybqaadan .

Wasaarada waxbarashada ayaa mudooyinkii ugu danbaysay ku hawlanayd tayaynta waxbarashada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada,manaahijta ayaa ah kuwa laf dhabar u ah tayada waxbarshada maadaama uu kaalin muhima kaga jiro waxbarshada,maaha hada oo qura in manhajka loo dajiyo hab casri ah waxayna soo socotay muda badan hawshatan sida ay noo sheegen xafiiska manaahijta, waxay inoo cadeeyaan in hada ka hor la qabtay bishii lixaad ee snadkan aan ku jirnay lana sameeyay input kii sida waxyaabaha uu ka koobnaan karoo kale hadana dib hawshii loo sii bilaabay,waxaana gabagabdiisa la soo bandhigi doonaa hadii eebe ogolaado sanadka 2013 kuwaso la hordhagi doona qaar kamida maamulada iskoolada,macalimiinta iyo stake holders ka.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit

Scroll to Top