Hay’adaha Waxbarashada Iyo Wasaradda Waxbarashada Puntland Oo Shir Uga Furmay Magaalada Garowe


Wasaarad waxbarashada iyo hay’adda UNCEF iyo kuwa bahwadaagta la ah waxbarshda oo maanta kulan uga furamy garoowe.

Xarunta wasaaradda waxabarshada ee magaalada Garoowe ayaa waxaa kulan balaaran isugu yimid wasaarada waxabrashada hay’adda UNCEF iyo hay’addaha kale ee bahwadaagta la ah wasaaradda waxbarashada Puntland.

Kulankaan ayaa waxaa ka hadalay agaasimaha guud ee wasaaradda waxabarashada Puntland C/qaadir Yuusuf Nuur oo ka warbixiya waxa kulankaan uu ku saabsan yahay waxaana uu sheegay in kulankaan uu yahay mid lixdii biloodba mar la qabto kasoo dib u eegis loogu samaynaayo waxyaabaha ay haya’dda UNCEF ka caawiso wasaaradda waxbarashada Puntland iyo Hay’addaha bahwadaagta la’ah waxabarashada wixii ay qabteen lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay inuu jiro qorshe ay samaysteen wasaarada waxbarashada iyo hay’adda UNCEF kaasoo ah 5 Sano waxaana qorshahaa laga sii sameeyey mid labo sano ah kaas oo sanadkii ugu horeeyay lixdiisa bilood ee hore ayaa maanta loo fadhiyaa waxaana qolo kastaa oo barnaamijka 5 sano ah ku jirta ay ku soo bandhigi doonaan waxa ay qabteen lixdii bilood ee tagtay iyo waxii aan u qabsoomin waxaa ay ugu qabsoomi wayeen ayuu yiri agaasimaha wasaaradda waxbarashada.

Wasiirka waxbarshda Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa si rasmi ah u furay shirkaan waxaana uu sheegay in kulankaan uu yahay kulankii lixbiloodlaha ahaa ee qolokasta ku soo bandhigayaan waxii ay qabteen

Cabdi Faarxa Juxa ayaa xusay in ay wasaaradu ay qabtay waxaa badan kuwasoo ay kamid yihiin midaaynta siyaasda iskoolaada Puntland dhinackasta hadii ay ahaato manhajka ama labiska iskuulaada iyo sacadaha dib ay u furmaan iskuuladu ayan hada ku jiraan sidii loo tayayan lahaa waxbarashada Puntland ayuu yiri Juaxaa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Gabagadii kulankan ayaa wasiirka waxbarashada Puntland waxa uu mahadbalaran usoo  jeediyay hay`ada Uniceif oo uu ku amanaay hawsha baaxada leh ee ay uqabatay wasaaradawaxa uuna yiri waxaan aad ugu

faraxsanahay xiriirka wanaagsan ee na dhexmaray anaga iyo Unceif waana midaanan hilmaami doonin waxaan kaloo aan aad uga  xunahay tagitaanka Catherine Chirwa oo ah madaxa waxbarashada Uniceif ee Puntland laguna xasuusan doona hawshii ay ka qabatay wasaradda waxaan rajaynaynaa in qof booskaagii si wanaagsan ubuuxiya in naloo keeno .

Kulankaasii kadib ayaa wasiirku waxa uu casha sharaf iyo afuro labadaba usameeyay dhamaan kasoo qaybgalayaashii shirkaan,isla goobtaas cashada ahna uu  wasiirka waxbarashada shahaado sharaf ku gudoonsiiyay  madax ka tirsan Hay`ada Uncief .

Mette Norbstrand Chief Of Education Section Of UNICEF In Somalia

 

 

 

 

Catherine Chirwa Head Of Education Section Of UNICEF In Punt land

 

Amaal Abdilahi

Ministry Of Education Puntland Somalia


Scroll to Top