Haweenka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo Tababar ku saabasn Kobcinta Aqoonta u aqabaty Haweenka Waxbarashada.

 17/Jan/2015, Waxaa maanta oo Sabti ah hoolka shirarka Hotel New Rays ka furmay tababar socon doono mudo shan cisho ah oo salka ku hayo sidii kor loogu qaadi lahaa heerka waxbarashadda haweenka Puntland.

Furitaanka tababarkan waxaa kasoo qayb galay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, Agaasimaha guud ee wasaradaasi, masuuliyiin ka socday Relief International   oo kaalin weyn ku leh qabsoomida tababarka.

Cabdikariin Caruush oo ah madaxa CFBT Puntland kana shaqaysa arrimaha waxbarashadda ayaa sheegay tababarkan inuu yahay mid ahmiyad gaar ah u leh wasaradda, maadama wakiiladda wasaradda waxbarashadda ee gobaladda ay kasoo qayb galeen isla markasna mudada uu socdo tababarkan xooga lagu saari doono sidii xooga loo saari lahaa kor u qaadista waxbarashadda haweenka oo la wada rumaysan yahay inay ku hooseeyaan goobaha tacliinta sare.

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda iyo Taclinta Sare ee DowladaPuntland oo furay tababarka ayaa ka hadlay dadaalka ay wasaaradiisu ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashadda haweenka, wuxuna sheegay inay muhiim tahay dadka kasoo qayb galay tababarka inay si wanaagsan u fahmaan daruusta ay qaadanayaan isla markasna aqoonta ay dib ugula laabtaan meelihii ay ka yimaadeen.

Cali Xaaji oo sii hadlayay ayaa sheegay inay ka go’an tahay Haweenku inay ka muuqdaan tacliinta sare ee dalka isla markasna ay xanuun ku hayso inay goobahaasi ku yar yihiin, wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay in la ogaado asbaabta ay waxbarashadda haweenku uga haraan.

Wasiirka Wasaarada Waxabarashada iyo Tacliinta sare ayaa asbuucii dhawayd Tababar u furay Macalimiin Dumar ah oo  kala yimi Goboladda puntland kuna xaraysan Kuliyada Tababarka Macaliminta ee GTEC. iyadoo loola danaleyahay ina ka dhex muuqdaan dumarku Waxabarashada Puntalnd.

Wasaarada Waxbarashada ayaa hadaf keedu yahay Sanada soosocda in kor loo qaado Waxana laga qabato Tacliinta sare haweenka Waxbarshadooda iyo sidii ay uga mid noqon lahayeen Maclimiinta iyo sidii ay oga dhex mooqan la hayeen siyaasada Waxbarashada.

Faadumo Shugri oo qaybta haweenka ee Wasaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ka socotay ayaa sheegay inay xooga saarayaan sidii haweenka ugu badnaan lahaayeen tacliinta sare iyo goobaha muhiimka ah ee dalka.

Mudada uu socdo tababarka ayaa lagu wadaa inay kasoo baxaan go’aamo la isku raacsan yahay iyo in loo wada hogaan samo in haweenka door muhiim ah ku yeeshaan Tacliinta sare ee Puntland.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

DSC_4485

DSC_4493

DSC_4497

DSC_4490

 

 

 

 

Scroll to Top