Haween Macalimiin ah oo Tababar loogu qabtay Wasaarada Waxbarashada

Tababarkaani la siinayay 30-macalimiin haween ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay waaxda horumarinta waxbarashada haweenka ee wasaarada waxbarashada, waxaana kasoo qayb gallay agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada,agaasimaha waaxda farsamada gacanta iyo masuuliyiin kale.

Bilowga kullanka waxaa ka hadlay Faaduma Cabdi Xirsi (Faaduma Shugri) oo madax ka ah Gender Unit ,waxayna tilmaamay kulankaani inuu yahay mid hal maalin oo qura soconaya basle lagu baranayo casharo kor loogu qaadayo tayada aqoonta haweenka macalimiinta ah ee ka howl gala iskuuladka ku yaala Gobal,waxayna kula dardaaran tahay haweenkii kasoo qayb gallay inay muujiyaan kartidooda inay waxbari karaan una istaagi karaan ka hadalka xaquuqdooda macalinimo.
Maxamad Cali Faarax oo ah agaasimaha farsamada gacanta wasaarada ayaa sheegay wasaarada waxbarashada Puntland inay ku guulaystay sidii loo soo saari lahaa haween macalinimo u tababar oo ka qayb qaadan karo kobaca waxbarasho ee ka socota deeganada Puntland,wuxuna hadalkiisa ku daray inay soo saaren 300 oo macalimiin haween ah ayna cadayn u tahay arinkaasi sida xooga loo saarayo soo saarista haween tayo iyo khibrad u leh waxbarida.

Wuxu sidoo kale sheegay Maxamad Cali Faarax wasaarada waxbarashadaPuntland inay dhistay iskuulo u gaar ah haweenka,ayna macalin iyo mamule ka yihiin haween qura,wuxuna sheegay inay hada sidaasi oo kale ka wadaan Garoowe iyo Gaalkacyo ,Sool iyo sanaagna ay ku xigi doonto
Sidoo kale waxaa tababarkaani si toos ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxbarashada Puntland Maxamad Cabdiwahaab, wuxuna sheegay agaasimaha inay muhiim tahay sare u qaadista waxbarashada haweenka ayna ka qiimo badan tahay waxbarashada haweenka tan raga,wuxuna sheegay qofkii haween wax-baraa uu anfaceeda maalinta alle la hor taagan yahay uu heli doono.
Geesta kalena Agaasime Maxamad ayaa ku baaqay in laga wada qayb qaato waxbarashada haweenka Puntland,taasina ay tahay buu buri tan horumarka iyo baraaraha lagu gaari karo.
Kullankan ayaa inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay muuqaal qoraaleed xanbaarsan muhiimada waxbarashada haweenka, waxaana sidoo kale haweenkii kasoo qayb gallay fadhiga faham guud laga siiyay isticmaalka Aalada casriga ah iyo goob xiriireed u gaar ah macalimiinta haweenka ah.

Ugu danbayntii Sahra Axmad Kooshin  ayaa shaacisayay inay xooga saari doonan sidii kor loogu qaadi lahaa hanaanka waxbarasho ee haweenka Puntland iyo soo dhamaystirka Adeegyada aasasiga u ah dumarka.

Amaal Abdulahi Ali

Ministry Of Education

Media Unit


Scroll to Top