Hambalyo 21ka November maalinta macallinka Soomaaliyeed.

Aqoon la’aani waa iftiin la’aan,Waa aqal iyo ileys la’aane, ogaada ogaada walaalayaal ogaada, oo aada dugsiya.


Macallinka ama baraha waxa kuu dhigaahi, waa aabbaha labaad ee ku howlan gacan qabashada iyo gardaadinta tarbiyadaada. Waa daadihiyaha kugu haga tubta toosan ee aqoonta iyo ilbaxnimada ee lagaga hor tago jahliga.Aqoon la’aani, waa iftiin la’aanWaa aqal iyo ileys la’aane

Ogaada walaalayaal ogaada.

Macallinku waa shuclad amaba shumac iftiimaya oo ileys kiisu dadka oo dhammi ay ka wada faa’iideystaan, isaguna gubanaya oo sii dhalaalaya, waa waddada horumarka ee uu soo maro indheer garad kasta oo aqoon lagu tabayo bulshada kaalintii uu doonaba ha kaga jiree, sidaa darteed intii qalin iyo warqad is dul saartay mahad naqoodu wuxuu dib ugu laabanayaa barihii wax soo baray ee ay ka soo aflaxeen.

Eeg madaxweyne ayaad noqotay weli macallin kaagii fasalkii buu dhex taagan yahay, agaasime ayaad noqotay weli barahaagii sabuuraddii buu hor taagan yahay, maareeye ayaad noqotay weli macallinka waa sidiisii oo maskax dhisid buu ku howlan yahay kuna khaatumeysanyaa inta noloshiisa ka harsan ee qof walbow bal noloshaada dib u eeg waaba haddii aad nasiib u yeelatay inuu macallin ku soo hor istaagaye.

Waxaa xusid mudan barayaashii halganka macallinimo isku soo howlay ee kor u soo qaaday tayada waxbarasho ee geyiga soomaaliyeed, iyada oo aan la tira koobi karin wax qabadka macallinka soomaaliyeed, haddana waxaan tusaale u soo qaadaneynaa qaar ka mid ah sida:- Sheekh yuusuf alkowneyn oo shaqalkii alif ba’da carabiga aheyd inoogu beddelay afka soomaaliga ee yiri ” alif la kordhabay, alif la hoos dhabay, alif la goday” iyo weliba macallimiintii ay ka midka aahaayeen ( Maxamuud Axmed Cali, Macallin Jaamac Bilaal iyo qaar kaloo badan.

Ogaada meel kasta oo aan ku noollahay iyo waqti kasta oo aynu joognaba macallinku, wuxuu inagu leeyahay qaddarin leh “ maamuus milgo iyo sharaf iyo mudnaan aan dhammaan, waxaanan leeyahay macallinow meel kastoo aad joogtaba waad muteysatee magacaa ha jiro ”.

Ugu danbeystii barayaasha soomaaliyeed waxaan leeyahay ”intoodii dhimatay naxariistii janno alla ha siiyo, intooda noolna waxaan u rajeynayaa, nabad iyo naruuro, nimco iyo nagaadi, barwaaqo aan nusqaameyn”.

Hambalyo maalinta macallinka Soomaaliyeed ee 21ka November.

Scroll to Top