1o/14/2017- Munaasabad balaaran ka dhacday hoolka Shirarka Iskuulk Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay gudoonka cusub waxbarashada gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Xilwareejinta waxaa goob joog ahaa Wasiirka wasaarada deegaanka dowlada Puntland,Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dowlada Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Gudoomiyaha gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo Nabadoono, macalimiin iyo maamulaayasha iskuulaadka.

Maxamed Shufeer ayaa waxa uu xilkii uu kusime ahaanta uhayay uu kuwareejiyay gudoonka cusub ee waxbarashada degmada Gaalkacyo isagoona sheegay in uu yahay nin ka soobixi kara xilkaas.

Dhanka kale Maxamed Yuusuf ayaa isna dhankiisa waxa uu xilkii uu kusime ahaanta uhayay kuwareejiyay mudane Axmed Huruuse oo loomagacaabay Gudoonka waxbaarshada gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Waxabarashada Gobolka Mudug oo xilka la wareegay ayaa dhankiisa u mahad celiyay Wasaaradda Waxbarashada iyo Bahada waxbarshada Gobolka Mudug, wuxuna tilmaamay xilku inuu meerto balse isbadal fiican la imaan doono.

Waxa kalo sheegay Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Mudug in dib u eegis ku samayn doono hanaanka shaqo ee waxbarasho ee gobolka Mudug iyo hirgilinta  manhajka, Mashaariicda waxbarashada, xoojinta tababaradda macalimiinta iyo kor u qaadista shaqooyinka kormeerka Gobolka Waxbarshada sidoo kale dhamaan adeega Waxbarasho in loo sinaan doono.

Waxaa kaloo aad ugu mahad celiyey Godoomiyeyaasha  Waxbarashada Gobolka Mudug.Axmed Huruuse Xaashi Cali Cabdirashiid Xaaji Xirsi  Gudoomiyaha Waxbarashada degmada Gaalkacyo.

in gudoomiyhii hore ee Waxbarashada Gobolka Mudug Bashiir Axmed khalaf in uu meel fiican keenay Waxbarashada Gobolka Mudug.

Gobolka Mudug ayaa ugu arday badan  marka laga reebo Gobolka bari.

Hoos ka Daawo sawiradda

IMG_2880 IMG_2855 IMG_2856 IMG_2857 (1) IMG_2857 (2) IMG_2861 IMG_2865 (1) IMG_2865 IMG_2866 IMG_2867 IMG_2870 IMG_2871 (1) IMG_2871 IMG_2872 IMG_2874 (1) IMG_2874 IMG_2877 IMG_2879IMG_2871 (1)IMG_2871IMG_2874 (1)IMG_2874IMG_2877IMG_2879IMG_2872IMG_2870IMG_2866IMG_2865IMG_2857 (1)IMG_2856

By Deeq Hurevov Madaxa isku Xirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare

Please follow and like us: