Gudoomiyayaasha Waxbarashada Gobollada iyo Degmooyinka Puntland oo maalintii 7-aad Tababar uga soconayo xarrunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

22/07/2014,Xarrunta Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Waxaa maalinkii 7-aad ka soconaya tababar loo qabanyo Gudoomiyayaasha Waxbarashada Gobollada, Degmooyinka iyo Kormeerayasha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Tababarkaan oo socondoona muddo 12-maalmood ah waxaa ka qaybgalaya 40-xubnood oo isugu jira gudoomiyayaasha waxbarashada heer gobol iyo heer degmo iyo kormeeryaasha waxbarashada.

Tababarkaan inta uu socdo waxaa xoogga lagu saari doonaa 1-Tayeynta bahda tayo-dhowrka, 2-Dar-dargalinta kormeerka, 3-Helidda iyo hubinta Xogta Dugsiyada, 4- iyo Habka ugu sahlan ee Sanadkiiba loo samaynkaro Saddex jeer kormeer Dugsiyada Puntland. 5-iyo in la isla fahmo Toolalka iyo Agabaka kormeerka loo Adeegsado.

Agaasimaha waaxda Tayo-dhowrka iyo manaahijta Wasaaradda waxbarashada Puntland Abdulqaadir Nuux Yuusuf oo maantay ka warbixiyey halka uu marayo tababarka ayaa sheegay in aqoon is-waydaarsigu uu marayo meel gabo-gabo ah ayna si wanaagsan u socoto hawshu, wuxuu intaa agaasimuhu ku daray in gudoomiyayaasha waxbarashada gobollada iyo dagmooyinka ay si aada uga faaidaysan doonaan tababarkaan si ay u gaarsiiyaan macluumaadka ay ka helaan tababarka gobollada iyo dagmooyinka ay matalaan.

Agaasime Abdulqadir Nuux ayaa sheegay in tababarkaan uu soo xirmi doono maalinka Axada ee soo socota .

Tababarkaan waxaa si rasmiya u daah furay asbuucii hore Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland DR Maxamed Cali Faarax .

Tababarka waxaa bixinaya 10-tababare oo ay horay tababar noocaan oo kale ah u siisay waaxda Tayo-dhowrka iyo manaahijta Wasaaradda Waxbarashada Puntland, waxaana tababarayaasha caawinayey hawlwadeenada Wasaaradda Waxbarashada eek ala ah Drs Khadro Bashiir Faarax , Cabdinaasir Xirsi Guray, ( Bashiir Axmed Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Waxbarashada Gobollka Kar-kaar’)’ iyo Jamaal Muuse oo ah lataliye Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Tababarkaan oo ah tababr Sanadkiiba laba jeer loo qabto gudoomiyayaasha waxbarashada gobollada iyo degmooyinka waxaa wada fulinaya Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland iyo hay’adda Diakonia.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA.

 

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deeq Maxamed Warsame

Contact number+2525743400

Deeq. hurre99@Gmail.com

 

Scroll to Top