Gudiga Deeqaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo soo bandhigay sida deeqaha loo qaybsho.

Waxaa Maanta shir jaraaid ku qabtay hoolka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Agaasimaha Waaxdda Imtixamadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Axmed Maxamud Warsame (Ahmed Saahid) iyo Agaasimaha Guug ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Abdulqadir cismaan.

Ujeedada jirkaa ayaa ahaa in shacabka iyo dowlada lala wadaago habsima socodka Deeqaha Wabarashada u socdaan iyo sida cadaalada ah oo loo qaybiyo deeqaha waxabarashada puntland.

Axmed Saahid ayaa aad ugu dheerad hadlaka isagoo ka soo sheekeyey Marxalado badan oo loo bixiyo deeqaha Waxbaarshada puntland.,

Ardayda Puntland ayaa Tartan iyo Cadaalad ku hela sida deeqaha Waxbarshada uga helaan Wasaaradda Waxbarshada laguna qiimyo kaalmaha ay ka galaan Iskuuladooda.

Waxaan  guddiga deeqaha Waxbarashadda Waxbarashada Madax u ah Agaasimaha Guud Wasaaradda Waxbarashada  isagoo si cadaalada ula Tashta Gudiga si xalaal ahna aradayda puntland wax loogu qaybiyo.

In la xoojiyo qaabka qaybinta DW ee ku salaysan Mudnaanta iyo kala sarraynta ardayda

In dawlad iyo shacabba xil la iska saaro sidii loo heli ilo/dalal cusub oo bixyo DW

In wixii DW ah oo ku aadan tacliin sare lagala xisaabtamo WW Lana adkeeyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

 

DW ee la helay laga bilaabo 2010 ilaa 2016

 

Sannad Wiilal Gabdho Gobollada Haybsooc wadar
2010 128 64 0 0 192
2011 65 33 0 0 98
2012 74 36 0 0 110
2013 148 63 0 0 211
2014 123 52 0 0 175
2015 203 61 29 15 308
2016 270
Wadar 1,364

 

 

Dalalka DW laga helo

 

  1. Dalka Ethiopia laga soo bilaabo 2010
  2. Dalka Suudaan laga soo bilaabo 2010
  3. Jaamacadaha gudaha laga soo bilaab 2010
  4. China marmar

Siyaasadda qaybint DW

 

Deeqaha waxbarasho ee la helo waxay leeyhiin siyaasad cad oo lagu qaybiyo taas oo horseeday kalsooni buuxda oo bulshadu ku qaybto. Waxaana loo qaybiyaa sidan:

  • 85% waxaa lagu saleeyaa mudnaanta ardayda
  • 10% waxaa loo qoondeeyaa gobollada
  • 5% waxaa loo qoondeeyaa dadka laga badanyahay

 

Caqabadaha DW haysta

 

  1. Dalalka DW laga helo oo aad u yar marka loo eego sannadihii hore(Ethiopia & Sudan) kaliya
  2. Safarrada wasaaradda ee DW lagu raadinayo oo yaraaday dhaqaale la’aan awgeed

 

Guulaha laga gaaray qaybinta DW

 

  1. Asaaska guddi joogta ah wasaaraddu u xilsaartay qaybinta DW.
  2. Bulshada oo kalsooni buuxda ku qabta qaabka DW loo qaybiyo
  3. Nidaamka mudnaanta ee DW lagu qaybiyo oo keenay tartan caafimaad qaba oo ka dhexeeya dugsiyada iyo ardayda

Talooyin

 

  1. In la xoojiyo qaabka qaybinta DW ee ku salaysan Mudnaanta iyo kala sarraynta ardayda
  2. In dawlad iyo shacabba xil la iska saaro sidii loo heli ilo/dalal cusub oo bixyo DW
  3. In wixii DW ah oo ku aadan tacliin sare lagala xisaabtamo WW Lana adkeeyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka.

 

 Hoos ka Daawo sawiradda 

 

DSCN3652DSCN3664DSCN3676DSCN3687DSCN3700DSCN3708DSCN3717DSCN3735DSCN3738DSCN3742

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

Scroll to Top