Go’aamo kasoo baxay Aqoon is-waydaarsi la xariira Tayaynta Jaamacaddaha Puntland.

Waxaa galabta hoolka shirarka Hotelka Newrays ee magalada Garowe kusoo dhamaaday Aqoon iswaydaarsi saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay u socday wasaradda Waxbarashada iyo masuuliyiinta Jaamacadaha ku yaala Gobaladda Puntland.

Ugu danbayntii Jaamacadaha iyo Wasaradda Waxbarashada ayaa soo saaray shan qodob oo ay ku midaysan yihiin isla markasna lagu hormarinayo tacsliinta sare ee Puntland.

Agaasimaha tacliinta sare ee Wasarada Waxbarashada Cabdilaahi Cali Jaamac (Dhubad) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay aqoon is-waydaarsigan inuu guul kusoo dhamaado isla markasna la ogaado baahiyada ka jira jaamacaddaha iyo sida wax looga qaban karo.

Wasiir ku xigeenka Wasaradda Waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax oo bilowgii tababarka ka hadlay ayaa sheegay Wasarada Waxbarashada Puntland inay ahmiyad gaar ah siin doonto sidii loo tayayn lahaa guud ahaan Waxbarashada gaar ahaana tan tacliinta sare.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Cali Xaaji Warsame oo soo xiray Siminaarkan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qodobadda ay sida wadajirka ah usoo saareen jaamacadaha Puntland ka jira,wuxuna sheegay inay hadda usoo jeesteen sidii tacliinta sare loo hagaajin lahaa isla markasna wax looga qaban lahaa baahiyada ka jira ee muuqda.

Masuul u hadlay Hay’add CARE oo barnaamijkan soo qaban qaabisay lana yiraahdo Qasiin Jarato ayaa sheegay Hay’addu inay ka go’an tahay sidii looga caawin lahaa wasaradda hagaajinta tacliinta sare iyo isku xirka jaamacaddaha.

Qodobadda kasoo baxay kulanka ayaa u qornaa sida tan.

  1. Wasaradda & Jaamacaddaha oo si wad ajir ah u qorsheeyay sidii lo maamuli lahaa tacliinta sare.
  2. Jaamacaddaha oo baahidooda kuwa ugu muhiimsan ee ay u baahan yihiin in wax laga qabto soo bandhigay waxqabadna loo balan qaaday.
  3. Jaamacaddaha oo isku raacay xoojinta iyo hormarinta tayadda iyo Waxbarashada Sare,hormarinta manaahijta iyo xoojinta          maamulka jamacadaha.
  4. Dhismaha guddiga tacliinta sare.
  5. Jaamacadda VU Amistardam oo ay ka socdaan Dr.Ion macfrarhan & Dr.Rob mercus & Jaamacaddaha Puntland oo xiriir toos ah kala saxiixday.

Masuuliyiinta wasaradda waxbarashada ayaa wada dadaalo kala duwan oo dib loogu habaynayo siyaasada waxbarashada Puntland.

DAAWO SAWIRADII LOOGA HADLAY MUNASABADII SHIRKA.

13 10 11 12 7 13 7 6 5 4 3

Deeq Maxamed Warsame.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Contact Number:+252907743400.

Scroll to Top