Geedi Socodkii Manhajka Waxbarashada Dowlada Puntland oo Qaybtii sii Hore la soo Xiray.

08/01/2015, Magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta oo Khamiis ah lagu soo gabo-gabeeyay shir saddex maalmood socday oo looga arrin sanayay qaab dhismeedka manhajka waxbarashada heer qaran ee Puntland.

Shirkan oo intiisa badan doodo xasaasi ah lagu qaatay ayaa waxaa ugu danbayntii la isku raacay wixii kasoo baxay oo ah in la mideeyo qaab dhismeedka manhajka waxbarashada Dugsiyadda hoose.dhexe iyo sare si loogu guulaysa soo saaritaanka Arday aqoon tayo wanaagsan leh.

Shirkaan ayaa waxaa soo Agaasintay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawlada puntland oo taageero kahelaysa Hay’adaha UNICEF iyo Africa educational trust(AET) oo dhanka waxbarashada wasaarada ka caawiya.

Shirka waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyayaasha waxbarashadda heer Gobal ilaa heer Degmo,saraakiil ka socda hay’adda dhanka waxbarashadda kala shaqeeya wasaradda waxbarashadda, Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare, wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee wasaradda.

Ugu horayntii shirka waxaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax wuxuna sheegay inuu guul ku dhamaaday arrintii saddexda bari loo dhafiyay waxa harsanna lagu dhamayn doono shirka heer qaran ee soo socda.

Maxamed Cali Faarax waxa uu sheegay inay masuuliyadda ka saaran tahay tayaynta waxbarashadda heer hoose ilaa heer tacliin sare, wuxuna ku ammaanay kasoo qayb galayaashii shirka sida wanaagsan ee ay aragtiyadooda isku dhaafsadeen iyo nuxurkii kasoo baxay markii danbe.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Cali Xaaji Warsame oo soo xiray shirka ayaa ka waramay nuxurkii kasoo baxay iyo waxyaabihii laga dooday inta uu shirka socday, wuxuna Warsame tilmaamay inay ku guulaysteen sidii looga wada hadli lahaa qaab dhismeedka manhajka waxbarashada Iskuuladda Puntland, wuxuna sheegay in laga qayb galiyay, Waalidiinta iyo dadka aqoonta u saaxiibka ah.

Wasiir Cali Xaaji waxa uu shirka ka sheekay bishaan dhamaadkeeda in la qaban doono shirkii heer qaran ayna isku diyaarinayaan, dad faro badana ay kasoo qayb gali doonaan, wuxuna u mahad celiyay masuuliyiinta waxbarashadda gobaladda iyo degmooyinka iyo hay’addahii taageeray shirka looga wada hadlayay qaab dhismeedka manhajka waxbarshadda heer qaran ee Puntland.

Wasaradda waxbarashadda Puntand ayaa ka mid ah wasaraddaha sida xooga ah ugu mashquulsan hormarinta bulshada, sida habaynta iyo kor u qaadista waxbarashadda caadiga ah iyo tan dadban.

Hoos ka Daawo Sawirada

DSC_1572

 

DSC_1574

DSC_1576

DSC_1577

DSC_1578

DSC_1579

DSC_1580

DSC_1581

DSC_1583

DSC_1584

DSC_1585

DSC_1587

DSC_1588

DSC_1589

DSC_1590

DSC_1591

DSC_1592

DSC_1593

DSC_1594

DSC_1596

DSC_1597

DSC_1600

DSC_1601

DSC_1603

DSC_1606

DSC_1607

DSC_1608
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE DOWLADDA PUNTLAND

 Deeq Maxamed Warsame ‘’ Hurevov’’ Garowe, Puntland Somalia.

Scroll to Top