Garoowe:Waftigii ka socday DF Somalia oo booqday qaar ka mid ah xarumaha dawladda Puntland ee Garoowe

Wafdigii ka socdey Dawladda Federaala Somaliya oo ka qaybgalka Aaska Marxuum Shiikh CabdulQadir Nuur Faarax Garowe u yimid ayaa maanta booqday qaar ka mid ah xarumaha dowladda Puntland iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay.

Wasiirka Arrimaha gudaha & Amniga Somaliaya Cabdikariin Xuseen Guuleed,maaliyada Maxamed Suleymaan ,xildhibaano ka tirsan DF ayay ka koobnaayeen,waxana wehelinayey wasiiro ka mida Puntland sida Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen.Ilkajiir,Waxbarashada Dr,Juxa iyo Qorshaynta Dr,Daa’uud.

Xarumaha uu waftigu booqday ayaa kala Wasaarada Waxbarashada,Caafimaadka,Dhimayaasha Madaxtoyada ,Warbaahinta,Xabsiga Garowe iyo Xerada Ciidanka 54-aad ayay isku mareen xubnaha wafdiga iyo shirkada Isgaarsiinta Golis.

Wasiirka Arrimaha gudaha DF ayaa sheegey inay ka maqsuudeen booqashada wuxuuna bogaadiyey horumarka puntland ay gaaratay, shacabka reer Puntland ayuu ku booriyey adkaynta nabadgelyada & ka shaqaynta horumarka.

Waftigan ayaa dhinaca kele xalay madaxtooyada Garoowe loogu sameeyey Casho sharaf,iyagoo la kulmay madaxweyne CabdiRaxmaan Maxmaed Faroole & xubno ka tirsan xukuumadda Puntland waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka DF Somaliya & iskaashi inay ka yeshaan suggida amaanka.

Waftigan DF Somaaliya & Culimo la socday shalayna ka qaybgalay Aaskii Allaha u naxariistee Shiikh Cabdiqaadir Nuur Faarax ayaa galabta dib ugu laabatay magaalada Muqdisho.

Amaal Abdulahi Ali

Minstry Of Education

Media Unit

 

 

Scroll to Top